WASAARADDA WAXBARASHADA OO SOO BANDHIGTAY CILMI-BAARIS LAGU SAMEEYAY MANHAJKA WAXBARASHADA AAS-AASIGA EE DEGDEGGA AH.

88

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulanka bandhigga natiijada cilmi-baaristii lagu sameeyay waxbarashada aas-aasiga ah ee degdegga ah (WAD) heerarkiisa 1aad iyo 2aad.

Kulanka oo socon doonaa muddo 3 maalmood ah ayaa lagu soo bandhigi doonaa natiijadii kasoo baxday cilmi-baaristii lagu sameeyay buugaagta manhajka WAD ee dhawaan dalka laga hirgeliyay, bandhigga keddib, khuburada ka qeyb-galaya kulanka ayaa doodo ka yeelan doona natiijadii kasoo baxday cilmi-baarista si loo meelmariyo loona ansixiyo.

ABDURAHMAN Ali Mohamed oo ah Lataliye ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ayaa faahfaahiyay ahmiyadda kulankan uu u leeyahay bulshada Soomaaliyeed iyo in aragtidooda iyo afkaartooda lagu dhiso Manhajka Waxbarashada Aas-aasiga ee degdegga ah

Waxaa kasoo qeyb-galay kulanka Agaasimayaal, Lataliyeyaasha Wasaaradda, masuuliyiin ka socda Wasaaradaha Waxbarashada Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banadir, macallimiintii qortay manhajka iyo martisharaf ka socotay mashruuca Bar ama Baro ee Hay’adda USAID Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here