Baladweyne, October 18,2023:- Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Hir-shabelle oo Manhajka waxbarashada ku wareejisay iskuulada Magaalada baladweyne.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Dowladda Hir-shabelle Mudane Amin Muqtaar Axmed oo ay wehliyaan Agaasimaha Waxaada qorsheeynta iyo horumarinta waxbarashada Mudane Cabdulaahi Cadaay Xasan Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Cabdifaax Cumar Dhaqane iyo Kormeeraha Waxbarashada Gobolka Hiiraan Mudane Cabdiqaadir Axmed Ibraahim ayaa maanta Manhajka waxbarashada ee dowladu ku wareejiyay Dugsiyada waxbarshada Magaalada baladweyne fasalka 12aad.

Maamulaha Guud Iskuulka hoose dhaxe sare Mujamac Ustaad Cabdulaahi Xasan Barqadle ayaa ugu mahadceliyay wasaaradda waxbarashada Dowladda Hir-shabelle ku wareejinta Manhajka waxbarashada Dusiga sare islamarkaan ay baahi badan u qabeen Manhajka sanad Dusiyadka.

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Hiiraan Mudane Cabdifaax Cumar Dhaqane ayaa sheegay inay dadaalo badan Wasaaradda ku bixisay keenista Manhajka loogana baahanyahay maamulada waxbarashada inay ilaaliyaan mustaqbalka ubaddka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Dowladda Hir-shabelle Mudane Amin Muqtaar Axmed oo hadal-dheer ka jeediyay munaasabada ay wasaaradu ku wareejineysay Manhajka ayaa tilmaamay muhiimada u leyahay Manhajka asigoo dhan kale ku dhiirgaliyay ardayda inay ku dadaalan waxbarashadood.

Sido kale Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Hir-shabelle iyo masuliyiintii kale ee lasocotay ayaa komeeray Iskuulka Mujamac oo dhawaan u saameyay qaraxii kooxda argagixisadu ay ka geeystay Magaalada baladweyne kaasoo burbur Xoogan u kaso gaaray Iskuulka asigoo sheegay agaasimaha inay dib u daycatir doonaan, uguna baaqay cidkastoo ka gacan geeysan karta dhismaha iskuulka inay kaqeyb qaatan.

-DHAMAAD-

Share.

Leave A Reply