Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa soo gudbisay Hab-raaca Baddelka Ardayga sanad dugsiyeedka 2023-2024 si looga dhaqangeliyo goobaha wax lagu barto.
Wasaaradda ayaa sidoo kale shaacisay waqtiga la furayo goobaha Waxbarashada, marka la galayo Imtixaanka dhexe ee sanadka ka yar iyo dhammaan waxyaabaha aasaasiga u ah dhanka bahda Tacliinta sida hadalka loo dhigay.
Wasaaradda Waxbarashada Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa dhammaan madaxda iyo xafiisyada Waxbarasho ee Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas usoo jeedisay in ay dhaqangeliyaan dhammaan shuruudahaan.
Muddooyinkii dambe waxaa socday qorshe lagu horumarinayo Waxbarahada Heer Federaal iyo Heer Dowlad-Goboleed, Wasaaradaha Waxbarashada Dowladda & Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah ayaa kulamo ka yeeshay arrimahaas.