Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa faah-faahin ka bixisay tirada dadka ku dhintay duqeynta Israaiil ay ka geysatay Magaalada Gaza waxaana ay tilmaamtay Wasaaraddu in tiradu ay kor u dhaaftay 10,000 oo qof.
Dadka dhintay waxa ay u badan yihiin Haween, Carruur iyo Dad da’ ah kuwaas oo lagu duqeeyay Guryahooda, qaarkood iyaga oo dhaawac ah ayay ku dhinteen duqeyntii arxan-darrada ahayd ee Isbitaalka Gaza Yuhuudda ku garaacday 17kii Oktoobar 2023.
“Dadka ku dhintay Duqeynta Gaza waxa ay kor u dhaafayaan 10,000 oo qof oo dhammaantood Shacab ah kuwaas oo lagu beegsaday guryahooda” Sidaasi waxaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.
Dhanka kale, Xamaas ayaa Gantaallo culus ku garaacday Saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidanka Israaiil kuwaas oo qalqal geliyay ciidamada Yuhuudda iyo Dadka rayidka ah ee ku dhow goobaha Gantaalladu ku hoobteen.
Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Magaalada Gaza ka imaanaya ayaa sheegaya in xiisadda ay gaartay meel halis ah kaddib markii ciidanka Israaiil ay kordhiyeen qaraxyada & duqeynta ay geysaneyso ay kordhisay si ay u gaarto deegaannada ay u gudbi waysay.
Afhayeenka Militariga Israaiil ayaa sheegay in ay go’doon geliyeen Magaalada Gaza iyaga oo sidoo kale kala jaray xaafado dhowr ah oo ay ka dagaalamayaan dhinaca dhaqdhaqaaqa Xamaas waa sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkaas waxaa beeniyay oo waxba kama jiraan ka dhigay Afhayeenka Xamaas Abuu Cubayda oo sheegay in ay khasaara lixaad leh ay gaarsiiyeen ciidanka Yuhuudda oo isku dayay weeraro horleh oo dhinaca dhulka ah.
La soco wixii kasoo kordha.