Wareysi: Xaalad dawo yari oo ka jirta isbitaalka degaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan

221

Isbitaalka Jawiil oo lagu daweynayo Bukaanno kala duwan sida carruur la ildaran nafaqo-darro ka dhalatay abaarta dalka ka jirta waxaa lasoo dersay caqabad ah Koronto la’aan & Dawo yari sida uu sheegay Maamulka Isbitaalka.

Dr. Muxyadiin Cabdiraxmaan Yuusuf oo ah dhaqtarka guud ee Isbitaalka Jawiil waxa uu sheegay in ay ka go’an tahay u shaqeynta bukaannada adeegyada kala duwan u baahan si ay u helaan baxnaano sida uu hadalka u dhigay.

Caqabadaha Isbitaalka Jawiil heysta ayuu ku sheegay in ay yihiin Korontada iyo Dawooyinka, Dowladda Federaalka, DG Hir-Shabeelle iyo cid weliba oo gacan ka geysan karta xal u helista culeyska taagan waxa uu ka dalbaday in kaalintooda ka qaataan.

“Waa Isbitaal Baaxad weyn oo ku yaalla Degmada Jawiil Bartamaha Soomaaliya, illaa 5 qayb ayuu ka kooban yahay oo kala ah: Qaybta Bukaan jiifka, Sheybaarka, Daawada, Dhallaanka & carruurta, Isbitaalku baahidiisa iyo waxyaabaha uu dabooli karo waxaa badan baahidiisa, mana jirto cid naga gacansiiso Dowlad, maamulka iyo Hay’ad” ayuu yiri Dr Muxyadiin Cabdiraxmaan.

Cudurrada ugu badan ee Dadka looga daweeyo Isibtaalka Jawiil waxa uu Dr Muxyadiin ku sheegay kuwa laga qaado meelaha Webiga uu maro sida Kaneecada, Shubanka, Qaaxada (TP) iyo nafaqo-darrada jirta ee abaarta ka dhalatay.

Caqabadaha ka dhasha maqnaashiyaha Korontada ayuu Dr. Muxyadiin codsaday in gacan laga geysto, DG Hir-Shabeele, Dowladda Federaalka, Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay, Jaaliyadda qurba-joogta ah iyo cidweliba oo xalka qayb ka noqon karta.

“Xaaladdu way nagu adkaataa marka ay Korontadu maqan tahay, Isbitaalka waxa uu ku xiran yahay Degmada, Maamulka Gobolka Hiiraan, Hir-Shabeelle & Dowladda Federaalka in gacan laga geysto, Isbitaalkaan waxa uu u baahan yahay caawinaad guud” ayuu yiri Dr. Muxyadiin Cabdiraxmaan Yuusuf.

Maalin weliba waxa Isbitaallka Jawiil la geeyaa bukaanno xannuuno kala duwan qaba oo tiradoodu u dhaxeyso 10 ilaa 20 ruux sida uu sheegay Dr. Muxyadiin Cabdiraxmaan Yuusuf, qaarkood Dadkaas waxa ay u baahan yihiin daryeel xooggan

https://youtu.be/8pN-bI_CzmA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here