Maamulka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la xaliyay isku dhac degmadaas ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano macawiisleyda.
Isku dhaca ayaa salkiisu ahaa Nin la qabtay oo ay ka shakiyeen ciidanka Federaalka gaar ahaan kuwa Cali Bin Abii Daalib loogu magac daray balse qaar kamid ah Ciidamada Deegaanka ee Macawiisleyda ay is maan-dhaafeen sidaasina uu ku dhacay dagaalka.
Guddoomiyaha Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Muumin Maxamed Xalane ayaa xaqiijiyay in la xaliyay xiisadda iyo dagaalkii dhexmaray ciidanka Federaalka & kuwa deegaanka ee Macawiisleyda oo sababay khasaara labada dhinac kala gaaray.
Saraakiisha ciidanka Federaalka iyo kuwa Macawiisleyda hoggaaminaya ayaa ku baxay si loo damiyo xiisaddaas iyaga oo ku guuleystay in xal loo helo waxaana ugu dambeyn la faray in si wadajir ah ay ula dagaalamayaan ‘AS’.
Dhanka kale Guddoomiyaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Muumin Maxamed Xalane oo la hadlay VOA ayaa ka warramay dagaal gelinkii danbe ee maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka si kedis ah ugu dhexmaray magaalada Maxaas.
Guddoomiye Muumin ayaa sheegay in khasaare nafeed uu ka dhashay dagaalka. Dagaalka ayaa goor fiidkii ah lagu guuleystay in la hakiyo sida uu sheegay. Guddoomiye Muumin ayaa la hadlay wariyaha VOA Xuseen Xasan Dhaqane.
Hoos Ka Dhageyso:-