WARBIXIN: Xiddigaha Ka Tagi Doona & Xiddigaha Ay Chelsea U Dhaqaaqi Doonto Oo La Ogaaday.

129

Xiddiga Romelu Lukaku Ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Inter Milan taas oo bilaabaysa dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga kooxda chelsea.

Kooxda Chelsea iyo Inter Milan ayaa ku dhaw in ay ka heshiiyaan saxiixa xiddiga Lukaku iyada oo uu qaab amaah ah ugu laaban doono Inter Milan.

Marka uu Lukaku ku biiro Inter Milan ayay Blues bilaabi doontaa samaynta saxiixyada uu Tuchel doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa suuqa xagaaga.

Saxiixa ugu horeeya ee uu Tuchel samayn doono ayaa ah in uu la soo wareego weeraryahan cusub oo uu ku buuxiyo booska uu Romelu Lukaku ka baxay.

Laakiin Romelu ayaan noqon doonin xiddiga kaliya ee ka tagaya kooxda chelsea laakiin waxa jira xiddigo kale oo Albaabka Stamford Birdge u raaci doona Lukaku.

Xiddigaha Christian Pulisic, Timo Werner, Marcos Alonso, Cesar Azpilicueta iyo Jorginho ayaa ah xiddigaha la filayo in ay isaga tagaan chelsea.

Dhanka kale Blues ayaa samayn doonta saxiixyo ay ku buuxin doonto booska xiddigaha isaga tagaya kooxda kuwaas oo kala ah Jules Kounde, Ousmane Dembele, Christopher Nkunku, Robert Lewandowski iyo Raheem Sterling.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here