Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqaymo ka wadaan marinka Qaza kadib markii ay sheegeen in dagaalyahano Falastiiniyiin ah ay galeen dalkaasi.
Horaantii, daraasiin gantaallo ah ayaa lagu soo riday dhanka Israa’iil, kuwaas oo keenay in seeriga duullaanka hawada ee guud ahaan dalka uu dhawaqqo.
4 vqof ayaa ku dhimatay, waxaana jira warar sheegaya in qaraxyo ay ka dhaceen meel u dhow Magaalada Tel Aviv iyo deegaanada ku xeeran koonfurta Qaza.
Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Garabkeeda hubaysan ayaa sheegay in 20 daqiiqo gudahood ay ku rideen 5,000 oo gantaal.
Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in Falastiiniyiinta ay “bilaabeen toogashada baasuukaha ee Marinka Gaza ee dhulka xoogga ay ku geysato Israa’iil” iyo in kooxahaa Hubeysan Falastiiniiya ay gudaha u galeen dhulka Israa’iil Xoogga ay ku heysato