Dadka shacabka ah ee AS qafaalatay ayaa isugu jiray beeraleey iyo xoolo dhaqato, kuwaas oo AS la sheegay in aay geeyeen deegaanno dhaca galbeedka Beledweyne.
Xubno ka tirsan AS oo sida la sheegay kasoo gudbay wabiga ayaa fuliyeen weerarkaasi qafaalashada ah dhammaan dadka la qafaashay oo isku reer ah ayaa kasoo jeeda beesha Xawaadlle.
Dad shacab ah oo ka badbaaday qafaalkaasi isla markaana sheegay in aay lugahooda uga baxsaday AS ayaa xaqiijiyay in kooxda AS dadka shacabka ah rasaas mar qura ku fureen kaddibna inta aay deegaanka iski gidaameen ka qafaasheen dadkaasi shacabka ahaa.
Tan iyo markii howlgalka ka dhanka AS gobolka Hiiraan uu ka billoowday Isla markaana beesha Xawaadlle hormuudka ka aheyd AS oo kacdoonkaasi shacab ka careeysan ayaa billoowday in aay qafaashaan dadka shacabka ah ee beeshaasi u dhashay, si dadka aay qafaasheen Odayaasha dhaqanka uga taba tagaan kaddibna AS ku gor-gortamaan in beesha Xawaadlle dagaalka ka baxdo taasi oo AS ku hungoobeen, madama aay waayeen dad sida aay wax u wadaan kula macaamala.