Magaalada Bakhmut ee Gobolka Donetsk ayaa xudun u noqotay dagaalka culus ee dalkaasi Ukraine ku dhex maraya Ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine.
Militariga Ruushka oo taageero ka helaya xoogaga Wagner ayaa isku dayaya inay go’doomiyaan magaaladaasi, ka dib markii bishii hore ee January ay la wareegeen magaalada kale ee bariga dalkaasi ku taala ee Soledar. Ciidamada Ukraine ayaa kuwa Ruushka kula dagaaamaya deegaanada ku teedsan Bakhmut.
Dowladda Ukraine oo fahamsan in Ruushka uu culeyska ka qafiifiyay 4-tii gobol ee la qarameyay, marka laga soo taggo Gobolka Donetsk ayaa inta badan ciidamadeeda isugu geysay gobolkaasi, si ay jilbaha dhulka ugu dhigaan duulaanka Moscow.
Yevgeny Prigozhin, madaxa xoogaga calooshood u shaqeysatayaasha ee Wagner ayaa sheegay in ay khasab tahay in Ciidamada Ruushku la wareegaan magaalada istiraatiijiga ah ee Bakhmut, si uu u sii socdo dagaalka ka dhanka ah Dowladda Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy.
Prigozhin ayaa sheegay in Ruushku uu dejiyay istiraatiijiyad ciidan oo Moscow ku xaqiijineyso joogitaankeeda bariga Ukraine, isla-markaana qabsashada Bakhmut ay fure u tahay guusha yoolalka cad ee Moscow.
“Bakhmut ayaa loo baahan yahay inaanu qabsano, si ciidamadeenu ay si dhib yar ugu shaqeeyaan.” Ayuu yiri Prigozhin oo intaasi ku daray “Maxaa Bakhmut loogu yeeraa goob lagu shiilmayo/shiidmayo, maxaa yeelay Ukraine ayaa u soo direysa cutubyo ciidan, oo aad u badan.”
Iska caabinta xoogan ee ay Ciidamada Ukraine sameynayaan ayaa caqabad weyn ku noqotay qorshaha Moscow ay ku dooneyso in ay kula wareegto gobolada bariga dalkaasi dhaca ee Donetsk iyo Luhansk.
Dagaalka dhowrkii toddobaad ee ugu dambeysay ka socday magaaladan ayaa lagu sheegay mid aan waxba la isku reeban, isla-markaana ay si joogto ahi dhanka cirka uga garaacayaan diyaaradaha dagaalka ee Ruushka, askar fara-badana ay si maalinle ahi ugu dhimaneyso.
Dadka ka faallooda dagaalka Ukraine ayaa sheegaya in Ruushka uu la wareegi doono magaaladaasi, muddada ay doontaba haku qaadatee, Ukraaniyiintana ay u muuqdaan kuwo aan iska caabintaasi sii wadi karin muddo dheer.
Madaxweyne Zelenskyy ayaa ka digay in Ruushku uu isku diyaarinayo guluf weyn, ka dib dagaalka muddada sanadka ku dhow ee dalkaasi ka socda