Kooxaha Chelsea iyo Benfica ayaa wadahadalo dheer oo la isku daalay kaga jira heshiis ay kula kala wareegaan khadka dhexe ee ree Argentina ee Enzo Fernandez.
Chelsea ayaa bilawgii suuqan si xoogan u doonaysay saxeexa Fernandez laakiin wakhtigaas aan rabin inay bixiso 120-ka Milyan ee euro ee heshiiskiisa lagu jabin karayay.
Benfica ayaa xagaagii dhawaa uun 10 Milyan oo euro kula soo saxeexatay Fernandez oo kaga yimid dhinaca kooxda River Plate.
Haatan kooxda Portuguese-ka ah ayaa ku dhaw inay faa’ido waali ah ka samayso dhawr bilood gudahood iyagoo ugu yaraan 120-ka Milyan ee heshiiskiisa ku xidhan ku helaya.
Chelsea ayaa doonaysa inay isla maanta kahor xidhitaanka suuqa January la saxeexato Fernandez iyadoo ka cararaysa in xagaaga kooxaha kale kusoo jeedsadaan oo kula tartamaan.
Sida uu haatan sheegay saxafiga weyn ee Fabrizio Romano, labada kooxood ayaa xalay yeeshay wadahadal dheer oo uu qayb ka ahaa madaxweynaha Benfica ee Rui Costa balse aan wali wax heshiis ah gaadhin.
Romano ayaa sheegaysa in Chelsea doonaysay inay xalayba heshiiska horumar weyn ka samayso balse aysan suurogalin oo ay saaka sii socon doonaan wadahadaladaasi.
Warbixinta ayuu intaas ku daray in Chelsea ay diyaar la tahay 120-ka Milyan ee heshiiska 22 sano jirkaas ku xidhan