War-Saxaafdeed
Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Dowladda Hir-shabelle waxeey bulshada reer Hir-shabelle ku bogaadineysaa sida dhiirananata iyo kalsoonid leh ee ay Waxbarashada u daneynan.
Wasaaraddu waxeey dhamaan bulshada ku wargalineysaa inaanu wadno dib u qaabeyn iyo hagaajinta kala meeleynta Macalimiinta aydoo Wasaaradda tixgalineyso cabashooyin badan oo soo gaaray ayey go’aamisay inay dib u sixid ku sameysa meelaha cabashada ka timaaday
Sido kale madaamo Hir-shabelle dhul weyn laga xureeyay kooxada Argagaxisada Al-shabaab islamarkaan dhamaan degaanadaas la doonya inay helaan adeeg Waxbarasho oo lacag la’aan ah wasaaradda waxeey galin doonta juhdi dhankasto leh inay degaankaas helnaa waxbarasho aydoo kaashaan doonta wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare Dowladda federaalka Soomaliya si loo helo isla ekaasha Macalimiinta iyo baahida degaanada ah.
Wasaaraddu waxeey haystaa 400 oo macalin kuwaaso ay kala badantahay baahida taagan iyo tirada Macalimiinta taaso keentay inay kala bataan,
sido kale wasaaraddu waxeey degmooyinka Farlibaax Moqokori Alkowsar iyo Dusiga Sare jawiil Primary &secondary kaga cudur daarenysaa hab-qoraalkeenii hore oo il-duuf ay sababtay sidan u dhiganay aydoo an aqoonsanahay degmooyinkaas.
-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA WAXBRASHADA IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA HIR-SHABELLE