Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    WAR DEG DEG AH: Manchester City oo lagu helay dembi culus oo sababaya in laga jaro dhibco horyaalka Premier League ah,
    Gudaha

    WAR DEG DEG AH: Manchester City oo lagu helay dembi culus oo sababaya in laga jaro dhibco horyaalka Premier League ah,

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 6, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu helay dembi culus oo sababaya in laga jaro dhibco horyaalka Premier League ah, sidoo kalena la saaro ganaaxyo culus oo sababi doona in kooxda tababare Pep Guardiola ay lumiso kaalmaha sare ee ay ku jirto iyo sharafta ay leedahay kooxdu intaba.

    Manchester City ayaa lagu helay inay jabisay sharciga dhaqaale-wanaagga in ka badan 100 jeer sagaalkii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaana hadda ay maamulka horyaalka Premier League go’aan ka gaadhayaan tirada dhibcaha laga jarayo.

    Waxa kale oo ay UEFA ka fadhiisan doontaa tallaabooyin ciqaab ah oo adag oo laga qaadi doono Manchester City oo la saxeexatay ciyaartooyo aanu sharcigu u ogolayn, sidoo kalena been abuur ka samaysay heshiisyada tababareyaasha iyo ciyaartoygeeda.

    Baadhitaano uu sameeyey horyaalka Premier League ayaa waxay soo saareen khiyaanooyin ay ku kacday Manchester City oo in ka badan 100 mar jabisay sharciga dhaqaalaha, intii u dhaxaysay September 2009 illaa 2018.

    War-saxaafadeed uu soo saaray Premier League ayaa lagu sheegay, in sagaal sannadood gudahood ay Manchester City ahayd koox sida ay doonto ka yeesha sharciyada kubadda cagta, isla markaana jabisa iyada oo been-abuur iyo maalgelin lacageed isticmaalaysa.

    Manchester City ayaan wali ka hadal warkan oo soo baxay saaka, laakiin waxa uu Premier League shaaciyey inuu guddi madax-bannaan oo daba-gal dheeraad ah samaysa u saaray arrinta, taas oo natiijadoodu ay noqon doonto midda kama dambaysta ah ee lagu go’aaminayo ciqaabta lagu soo rogayo Etihad Stadium.

    Go’aamada miiska saaran ee ganaaxyada ah ee lagu soo rogayo Manchester City ayaa waxa ka mid ah dhibco laga jaro, iyo ciqaabo lacageed oo adag, halka  masuuliyiinta naadiga qaarkoodna laga mamnuuci karo inay wax shaqo ah oo la xidhiidha ciyaaraha qabtaan.

    Muddada la sheegay in Manchester City ay arrintan ku kacaysay ayaa waxay ku guuleysatay saddex horyaal oo Premier League ah, FA Cup iyo saddex Carabao Cup, hase yeeshee lama sheegin in laga  qaadi doono koobabkaas iyo in kale.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleJamie Carragher Oo Saadaaliyey Horyaalka Premier League Kaddib Guul-darrooyinkii Man City Iyo Arsenal
    Next Article Xildhibaan C/shakuur oo war culus kasoo saaray dagaalka laascaanood

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Madaxda sare oo soo faro-gelisay khilaafkii Roobow iyo Saalax Shariif & Go’aan cusub

    March 8, 2023

    Waxaa maalmihii dambe si weyn usoo ifbaxayay khilaaf xoogan u dhaxeeya Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo…

    Dowladda Kenya oo ka falcelisay digniinta Ingiriiska & Mareykanka ee la xiriirta in ‘AS’ weeraro ka geysan karto Dalkaas.

    February 11, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.