DEG- DEG -Dagaal culus ayaa ka socda deegaanka Booco ee Gobolka Hiiraan

481

Dagaal geestay khasaare kala duwan ayaa ka dhacay deegaanka Booco oo dhaca 40-KM dhanka Koonfurta Beledweyne.

Dagaalka ayaa ka dhacay Maxkamad AS Dacwada ku qaadaan oo ku taalla deegaanka Booco, kaddib markii rag hubeeysan aay weerar gaadma ah ku qaadeen ciidan maxkamaddaasi ku sugnaa, taasi oo keentay in dagaalka uu billoowdo.

Goobjooge-yaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaasi ka dhashay.

Raggii weerarkaasi ku qaaday AS ayaa waxaa gurmad u fidiyay ciidanka dowladda oo ka baxay magaalada Beledweyne.

Lama oga cidda aay ka tirsanyihiin Ragga weerarka ku qaaday Maxkamadda AS ee Booco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here