Sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay, safiirada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya ayaa ugu hanjabay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi in si adag loogula xisaabtami doono xasuuqa uu ka wado Laascaanood iyo madaafiicda uu la dhacayo guryaha shacabka, isbitaalada, iyo masaajidada.
Wakiillada caalamiga ah ee loo yaqaan C6+ oo kulan ka yeeshay dagaalka Laascaanood ayaa xiriir khadka taleefanka ah la sameeyay Muuse Biixi iyo Isimadda dhaqanka ee SSC, kana dalbaday in la joojiyo dagaalka.
Garaadada SSC ayaa sheegay safiirada in aysan dagaal-wadin, duulaan lagu soo qaaday, sidoo kalena Argagixiso lagu sifeeyey iyaga iyo dadkooda is difaacaya. Waxaana ay intaa ku dareen in aysan waligood kamid noqon maamulka Somaliland aysana aheyn jabhaddii SNM ee diidan midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Isimadda ayaa u sheegay Beesha Caalamka, in xalka nabadda keenaya uu yahay in ciidanka Somaliland ay tagaan deegaanka Oog, oo ah xad beeleedka Dhulbahante iyo Isaaq.
Dhinaca kale, wadahadal ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland, ayay ugu gudbiyeen soo jeedinta dhaqanka SSC iyo in ay u arkaan dagaalka Laascaanood maamul ku duulay shacab go’aansaday ka tashiga aayahooda, iyagoo tilmaamay in lagu xisaabtami doono dambiyada ka dhanka ah xaquuqda aadanaha ee dhacay.