Maalintii lixaad ayuu galay dagaal culus oo ka soconaya xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, kaas oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo dilalka deegaannada SSC oo iska difaacaya duullaanka maamulkaas uu kusoo qaaday.
Dagaalka saaka ayaa bilowday 5 aroornimo, ciidamada Somaliland ayaa ku bilaabay madaafiic goobaha rayidka ee ku yaalla Laascaanood, halka ay sidoo kale dhankooda u adeegsadeen madaafiic ciidamada SSC.
Wasiiro katirsan maamulka Somaliland oo xalay ceynaba ka hadlayay ayaa sheegay inay ku dhawaaqeen xabad-joojin hal dhinac, taas oo lagu tilmaamay qorshe cusub oo ay ku xoojinayaan duullaankooda.