Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarrig-jaray wajiga 3aad ee dhismaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso Xarunta Gobolka Bari oo si casri ah loo dhisayo.

Qaybtaan waxaa si gaar ah loogu dhisayaa Terminal Cusub, qaybta Xammuulka, qaybta hagista Diyraadaha, qaybta dab-demiska & Hoteel casri ah oo loogu talagalay in ay degeen dadka ku nasanaya garoonkaas.

Madaxweyne Siciid Cabdullaani Deni ayaa sheegay in DG Puntland ay gaartay horumar dhanka dhismaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari si loo kordhiyo dhaqaalaha kasoo galaya Dowlad-Goboleedkaas.

Wasiirka Amniga DG Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo sugidda Amniga Magaalada Boosaaso oo ah Xarunta Ganacsiga Dowlad-Goboleedkaas.

“Reer Puntland gaar ahaan reer Boosaaso waxa aan leeyahay nabad aa naas la nuugo leh, amnigiisa ilaalsada, nabad & kala dambeyn markii ay timid ayay mashaariicdu la helay, kuwo kale oo fara badan way imaanayaan haddii aynu xoojino kana shaqeyno midnimadeena amnigeena iyo horumarkeenu adkeysano” Cabdisamad Gallan.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari ayaa loo dhisay si ka duwan kana casriyeysan Garoomada kale ee Deegaannada DG Puntland, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dhaqaalaha kasoo gala lagu maareyn doonno Miisaaiyadda Maamulka.