Wasiirka Arrimaha dibadda XFS ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Dhiggiisa dalka Yemen oo Booqasho maalmo qaadan doonta ku soo gaaray Muqdisho.

 

“Dalka Yemen oon wadaagno xiriir qoto dheer oo leh dhinacyada Dadka, Taariikhda, dhaqanka iyo dhaqaalahaba waxaan iska kaashanaynaa sidii aan usii xoojin lahayn xiriirkaas soo jireenka ah.

 

 

Inta uu wasiir Dr Axmed joogo dalkeenna waxaan wada yeelan doonnaa wadahadalo la xiriira arrimaha labada dal. Sidoo kale wasiirku wuxuu booqan doonaa qaar ka mid ah xarumaha dawladda, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda sare ee dawladda qaarkood.”ayuu yari Wasiir Arrimaha dibedda Soomaaliya