Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka xiray wadooyinka Halbowlaha ah ee Magaalada Muqdisho, iyada oo Ciidamada ay u diidayaan in Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay isticmaalaan.
Waddooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Isbitaalka xooga, Sheekh Cali Suufi, Isgoyska Banaadir, Soobe, Lambar afar (KM4) iyo Wadada 21 Oktoobar.