Waa maxay sababta uu Ra’iisul Wasaare Rooble Shaqada uga joojiyay Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda?

71

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xaanshi uu soosaaray waxa uu ku sheegay in uu shaqada ka joojiyay Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Cabdisaciid Muuse Cali “kaddib markii uu fasaxay markab waday dhuxul sharci darro ah”.

Rooble ayaa Xafiiska Hanti dhowraha qaranka iyo hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka amray in ay baaraan falkaan kaddib marka ay natiijada helaan usoo gudbiyaan hay’adaha garsoorka Dalka ee shaqadoodu tahay.

Wasiirka koowaad ee XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa baabi’iyay go’aanka Wasiirka Cabdisaciid uu ku fasaxay markabka waday “Dhuxusha Sharci darrada ah” maadaama uu khilaafsan yahay shuruucda dalka iyo qawaaniinta caalamiga ah”.

Halkaan hoose ka aqriso Warqadaha lagu fasaxay Dhuxusa ee uu soo bandhigay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble:

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo joojinta uu ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali waxaa xigaya baaris hanti dhowrka qaranka uu ku sameynayo si loo Hay’adaha Garsoorka loogu gudbiyo jawaabta soo baxda.

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa Cabdisaciid Muuse Cali waxaa uu xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda u magacaabay 22kii November 2021, xilka waxa uu hayaa muddo lex bil ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here