Bishii May Sannadkii 2002-dii, buufin laga diray Xarunta Buufinnada Sanriku (SBC) ee woqooyiga dalka Japan, ayaa si tartiib ah u jabisay taariikh walba oo joog sare ah oo aadmigu dhigay abid.
Waxay si dhaqsi ah u dhaaftay jooggi ay gaartay buufintii abid kor loo diro si guul ah sannadkii 1783 – waxay dhaaftay halkii ay gaartay buufintii kale ee 1901 lagu ogaaday lakabka jawiga sare ee dhulka ku xeeran ee loo yaqaan ‘stratosphere’ taas oo kor u kacday masaafo dhan 10.8km. Waxay kor u dhaaftay joog walba oo abid ay diyaaradi gaarto, ha ahaato helikobtar, diyaaradaha dagaalka amaba kuwa shacabka.
Buufintani xataa waxay dhaaftay halka ay gaartay buufintii uu ku duulay madaxii hore ee shirkadda Google sannadkii 2014 taas oo gaartay 41.4km ka hor inta uusan baarashuut kaga boodin sanduuqa ay buufiinadu qaadan.
Kor ayey usii kacday waxayna gaartay qaybaha ugu sareeya jawiga hawada dhulka oo ka mid yihiin meelaha ugu qabow oo heerkulku ka hooseeyo -143c oo ka qabow heerkul kasta oo abid laga diiwaan galiyey dusha sare ee dhulka.
Ugu dambentii waxay buufintu gaadhay joog dhulka ka sareeya 53km ama (173,900ft). walxaha lagu gano gantaallada iyo dayax gacmeedyada oo kali ah ayaa halkaas ka sare mari kara. Ma aha diyaarad balse waa buufin shayga sayniska ee aadanah gaarsiiyey cidhifka ugu fog ee hwada sare .
Qalabkan u hawada ee u muuqda mid iska fudud ayaa alaabta iyo qalabka cilmi baarista gaarsiin kara meel aanay diyaarad gaarsiin Karin waxayna ku nagaan kartaa halkaas muddo dheer.
Maalmo kadib markii buufin basaasimo looga shakiyey ay soo rideen ciidamada Maraykanku waxay BBC-du u kuur gashay sababta buufinta ay u tahay dookha ugu horeeya ee saynisyahannada, shirkadaha internet-ka, kuwa cimilada, iyo dabcan wakiillada dawladaha wax u basaasa.
Joog sare intee dhan ayey buufintu gaari kartaa?
aan fududeyn qudheedu. “Inta badan duulista maanta waxay ku shaqeeyaan shidaal fosil ah,” ayuu yiri Van Der Werff. “Marka aad gubto shidaalka matoorka, waxaad haysataa awood badan, inta badan dareemayaasha elektiroonigga ah, qalabka isgaarsiinta ee loogu talagalay diyaaraduhu waxay cunaan awood badan, sababtoo ah awoodda korontadu maaha mid caqabad weyn ku ah inta badan diyaaradaha.”
Qalabka buufinta qaada waxay hadaba u baahan yihiin xal kale.
“Waxaan ku qaadannaa dhammaan tamartayada qorraxda inta lagu jiro maalinta, kadibna waxay awoddaasi u qaybsantaa habeenka iyo baytariyada, ka dibna dhex-wareegaya habeenkii iyo baytariyada,” Van Der Werff ayaa yidhi. “Kadibna marka aan u qaadayno buufinta kor iyo hoos, waxaan isticmaalnaa kombaresarada korontada ku shaqeysa oo soo jiidan kara ilaa 800W. Waxaa jira caqabado naqshadeed oo dhab ah oo ku wareegsan isticmaalka tamarta ee dareemayaasha qalabka isgaarsiinta.”
“Haddii aan si sax ah u qiyaaso oo aan u saadaaliyo kala duwanaanta dabaysha ee lakabyada kala duwan ee jawiga sare, markaa waxaan bedeli karaa meelaha sare waxaana ku sii socon karaa hal aag” – Russ Van Der Werff
Sidee loo xakameeyaa buufinta noocan ah
Beddelka jihada buufinka ee meelaha sare waa adag tahay, sidoo kale. Van Der Werff ayaa sheegay in habka ugu fiican ay tahay in kor iyo hoos loo dhaqaajiyo buufinta, halkaas oo laga faa’iidaysan karo sifooyinka gaarka ah ee lakabyada kala duwan. “Waxaa loo yaqaan stratosphere sababtoo ah waxaa jira lakabyo kala duwan e tilmaamaha jawiga kala duwan ee halkaas. Waxa aan ka ogannay duulista dhammaan buufinnadaas waa in kuwa sare ee kala duwan, waxaa jira dhab ahaantii xoogaa kala duwanaansho ah xawaaraha dabaysha iyo jihada. dabayshu waxay u dhacaysaa jihooyin kala duwan.”
Inta badan tan lama aqoon ilaa dhowr iyo toban sano ka hor, saynisyahannadu iyo injineeradu waxay isticmaalayaan xisaabta ‘algorithms’ iyagoo isku dayaya inay saadaaliyaan qaababka dabaysha ee lakabyada jawiga sare.
Waxay ka dhigan tahay in halka buufinku aanu “ku sugnaan” karin sida diyaarada iyadoo ku duuleysa qaabka orodka ee ku wareegsan bar go’an, waxay ka faa’iideysan kartaa qaababka kala duwan ee dabaysha ee u dhexeeya lakabyadan.
BBC SOMALI