Ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu todobaadkii hore ka hadlay baahida dalkiisu u qabo inuu helo deked saaran badda cas.

Hadalkaas wuxuu u jeedinayey baarlamaanka, wuxuuna intaa ku daray in “shacab 150 malyan oo qof ah aysan ku noolaan karin xabsi juquraafiyeed” isagoo ula jeeday in aysan bad heli karin ay wax kala soo degaan.

Siyaabo kala duwan oo micnaha guud uu yahay in Itoobiya ay doonayso inay deked ka hesho badda cas ayaa loo fasiray.

Haddaba waa kuwee dekedaha la dhihi karo Itoobiya way doonaysaa ee saaran badda cas?

Cassab

Sida Musawac, waxay Cassab leedahay deked qadiimi ah oo jirtay tan iyo 1869 kii. Xilligaas waxaa markii ugu horreysay isticmaashay shirkad talyaani ah oo la yiraahdo Rubattino Shipping company.

Wuxuu talyaanigu aad u danayanayey istaraatijiyada ay leedahay ee ah inay kulaalayso marinka Baabul-mandab, ayna muhiim u noqon karto ganacsiga dalalka carabta iyo Eritrea.

Cassab waxay iminka leedahay deked casri ah oo leh warshad saliidda sifeysa, taasoo uu dhisay midowgii sofiyeeti.

Waxaa aad uga faa’iidaysan jiray adeegeeda Itoobiya marka loo eego Eritrea, laakinse Itoobiya way iska dhuun qabatay wixii ka dambeeyey markii Eritrea ay ka go’day Itoobiya.

“Haddii aan isticmaalno dekedda Cassab, annaga kaliya kama faa’iideyno ee waxaa sidoo kale ka faa’iidaya Eritrea. Dhinaca kale, haddii aan go’aansanno in aynaan isticmaalin Cassab, waxay noqon doontaa meel geelu biyo ka cabo oo kaliya. Xukuumadda Eritreana wax dakhli ah kama heli doonto,” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi.

Laakin dhowrkii sano ee u dambeeyey waxaa isha kuhayey hay’adda Itoobiya u qaabilsan qaybinta shidaalka (EPSE), gaar ahaan wixii ka dambeeyey heshiiskii dhex maray labada dawladood, si ay hay’addu shidaalka halkaa ugala soo degto.

Shidaalaka Itoobiya dibadda uga yimaada ayaa kordha 10% sannad kasta, waxaana lagu qiyaasayaa inuu gaarayo in ka badan 3 milyan oo metric tan sannadkiiba.

Itoobiya waxay Jabuuti siisaa sannadkiiba lacag ka badan $722 malyan oo ah adeegga dekedda Jabuuti, waxaana intaa dheer lacag ka badan $22 malyan oo ah tariifooyinka dekedda.

Berbera

Dekedda Berbera waxay taariikhiyan ahayd saldhig ciidan oo ay lahayd dawladdii Soomaaliya.

Horraantii 60-meeyadii waxaa tas-hiilaadki dekedda hagaajiyey Soofiyeetka, waxaaana sannadihii dambe sii balaariyey Maraykanka oo isticmaalayey, ka dib markii xiriir aad u dhow ay Soomaaliya la samaysatay Maraykanka.

Burburkii Soomaaliya ka dib waxaa maamulayey dekedaas Somaliland oo ku dhawaaqday gooni isu taag.

Itoobiya waxay 2018 kii heshiis la gashay Somaliland kaasoo u saamaxayey inay 19% ku yeelanayso dekedda. 30% waxaa yeeshay Somaliland, halka DP world ay yeelatay 51%.

Laakinse Itoobiya waxay weyday qaybtii ay ku lahayd ka dib markii sida la sheegay ay ka soo bixi weyday shuruudihii u saamaxayey inay qayb yeelato.

Seylac

Taariikh ahaan, sida ku xusan buugga Ethiopia in movement ee uu qoray Samuel Negash, Itoobiya waxay xiriir dhanka isticmaalka dekedaha ah la lahayd Seylac wixii ka dambeeyey 1880 kii. Badeecadaha aadi jiray Jimma, Kaffa iyo dhulka Guraagaha waxay uga soo degi jireen Seylac.

Qarnigii 14aad ayey ahayd markii Seylac ay ahayd dekedda ugu dhaqdhaqaaqa badan gobolka, waxaana badeecadaha laga dhoofiyo iyo kuwa laga soo dejiyo ka mid ahaa maydiga, beeyada, dahabka iyo qalinka.

Xilliyadii dambe markii ay soo bexeen Dekedaha magaalooyinka Tajura, Obokh iyo Berbera ayaa waxaa yaraaday muhiimaddii ay lahayd dekedda Seylac.

Waxaa kale oo qayb ka ahaa in dekedda Seylac ay muhiimaddeeda yaraato xilligaas ayadoo aysan ku soo xiran karin maraakiibka waaweyn maadaama dhagxaan ay leedahay oo aysan ku soo xiran karin doomaha culayskooda ka badan yahay 250 tan.

Boqor Menilik ayaa isku dayey dhowr goor inuu Ingiriiska iyo Talyaaniga kala hadlo in la siiyo Seylac, laakinse kuma guuleysan.

Istaraatiji ahaan Seylac waa meel u dhow Itoobiya marka la barbar dhigo dekedaha kale ee ay ku wada yaallaan badda cas. Taas waxay u sahlaysaa Itoobiya masaafada xagga dhulka ah inay uga kharash yaraato.

Share.

Leave A Reply