Waa kuwama “Macawisleyda” ee Gobolka Hiiraan dagaalka kula jirta Al Shabaab?

191

Maleeshiyaadka “Macawisley” ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyay dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaallada u dhexeeyay Al-Shabaab iyo malleeshiyaadkan isbeheystay ayaa ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe iyo deegaanno hoostago gobolka Hiiraan.

Labada dhinac, waxaa dagaallada uga dhintay dagaallamayaal badan.

Ninkii hoggaamin jiray “Macawisleyda” ayaa lagu dilay weerar Shabaab iyo malleeshiyada ku dhexmaray degmada Aaadan Yabaal, bishii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay.

Macawisley”

Maleeshiyaadka “Macawisleyda” waxay soo shaac baxeen sannadkii 2014-kii, waxay ka bilowdeen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan oo dagaal culus ay Al-Shabaab kula galeen.

Sidoo kale waxay markii dambe ka aasaasmeen Deegaanka Adan Yabaal oo Shabeellaha dhexe ka tirsan.

Waxaa lagu qiyaasaa illaa 50 dabley, waxaa la sheegaa in aysan jirin cid taageerta sida dowladda Federaalka ee Soomaaliya ama ciidammada kale ee Soomaaliya ku sugan.

Xubnaha ka tirsan maleeshiyaadka waxay sheegeen in ay si iskood ah isku abaabuleen si ay dagaal ula galaan ururka Al Shabaab.

Dhammaan, “Macawisley” uma tababarna dagaalka balse waxay ku dhiiran yihiin in ay si wataan dagaalkooda ka dhanka ah kooxdaas.

Malleeshiyaadkan waxay sheegeen inay kasoo horjeedaan in “shacabka deeganadaas ay ururka Al Shabaab ka qaadaan canshuuraha iyo in kooxda ay carruutoodu ciidan u qortaan”.

Arrimaha inta badan ku khasbay in qaar kamid ah dadka deegaanka ay billaabaan guluf ka dhan ah Al-Shabaab waxaa ka mid ah xoog ku qoridda dadka ay doonayaan inay ciidan u noqdaan ururka oo ay ka mid yihiin carruurta.

Qaar ka mid ah odeyaasha deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in aysan u dul qaadan doonin dhibaatooyiinka ay ku hayaan Al-Shabaab isla markaana ay ka mid noqdeen malleeshiyaadka “Macawisleyda” si ay isaga difaacaan ururka Al Shabaab.

xigasho BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here