Nimrod Aloni waxa uu dhashay 12 Luulyo sanadkii 1973-dii waxaa la waayay shalay oo ahayd 7-dii Oktoobar oo ciidamada ururka Xamaas ay weerar lama filaan ah ku ekeeyeen Israa’iil isla markaana ay gudaha u galeen.
Waxa uu dhowr jagooyin muhiim ah ka soo qabtay ciidamada millitariga ee Israa’iil ee loo yaqaano IDF, gaar ahaan ciidanka Depth Corps ee ka tirsan Ciidamada Difaaca Israa’iil, isaga oo noqday taliyaha qaybta 143 aad ee Gaza, iyo hawlgallada aagga Ramallah.
Eloni ayaa la sheegay inuu ku dhashay tuulada Ein Karem ee duleedka magaalada Jerusalem. Waxa uu xilal kala duwan oo la xiriira ciidanka ka soo qabtay Israa’iil ilaa bishii June 2002-dii markaas oo loo dallac siiyay Sarreeye Guud oo Taliska Dhexe ah.
Sannadkii 2017-dii waxa loo magacaabay madaxa shaqaalaha ee Depth Corps bishii Luulyo 2019-kii, waxa loo magacaabay taliyaha qaybta 143 aad ee ‘Gaza’.
16kii Luulyo 2023-kii waxaa la qabtay xaflad xil wareejin ah kaas oo Eloni uu la wareegay xafiiska taliyaha Ciidanka , isagoo bedelaya Major General Itai Veruv oo xilka ka tagay.
Aloni wuxuu qayb ka ahaa dhawr hawlgal oo milatari oo muhiim ah waxana uu door muhiim ah ka qaatay istiraatijiyadda difaaca ee Israa’iil. Khibraddiisa iyo hoggaamintiisa ayaa la sheegay inay gacan ka geystay amniga Israel.
Waxa uu ahaa taliyihii ciidamada difaaca ee Israa’iil, waxaa muuqatay in uu kamid ahaa dadkii ay afduubteen Xamaas, millitariga Israa’iil ayaa goor dhaweyd sheegay in ay jiraan tiro aan la cayimin oo isugu jira askar iyo rayid in ay ku jiraan gacanta Xamaas.
Xamaas ayaa waxa ay sheegtay in ay maxbuus ahaan u qabatay shalay kadib iskahorimaadka Gaza. Sawirka taliyaha oo garbaha la hayo lagana xayuubiyay dharkii darjo ee ciidanka ayaa la soo bandhigay kaas oo u muuqda in uu muujinayo in ay haystaan Falastiiniyiin, balse sheegashada ayaa ah mid aan si rasmi ah loo xaqiijin.
Taliye Aloni waa madaxa ciidamada difaaca Israel (IDF) ee qoto dheer iyo kulliyadaha militariga, waxaana horaantii sanadkan magacaabay wasiirka difaaca Israel Yoav Gallant.
Ilo katirsan ciidamada millitariga ee IDF ah ayaa JC u sheegay sheegashada Xamaas ee ku saabsan Taliye Aloni inay tahay “mid aan caddayn oo aan weli la xaqiijin”.
Ku xigeenka madaxa Xamaas Saleh al-Arouri ayaa u sheegay Al Jazeera in ururka Xamaas ay qabteen “tiro badan” oo Israa’iiliyiin ah. Waxa uu ku andacoodey in “saraakiil sare” ay ka mid yihiin.
Waxa uu markii dambe sheegtay in kooxdu ay ku jirtay dagaal xorriyadeed, isaga oo raaciyay: “Kani maaha hawlgal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, Waxaan bilownay dagaal dhan walba ah. Waxaan filaynaa in dagaalku sii socdo.
“Waxaan leenahay bartilmaameedyo muhiim ah xorriyaddayada iyo xorriyadda dhulkayaga muhiimka ah” ayuu sii raaciyay.
Xaaladda Israa,iil ayaa weli kacsan iyadoo weli ay socdaan dagaalka ay soo qaadeen ururka Xamaas.
Qasa ayey ku socdaan duqeymaha lagu tilmaamay aargoosiga ee Israa’iil, Dadka guryahooda ayay ku jiraan, waxa la maqalayaa dhaawaqa qaraxyo waaweyn, iyadoo qiiq madow uu hawada isku shareerray.
Inta badan korontada ayaa ka maqan, Israa’iil ayaana jartay, biyaha ayaa sidoo kale yaraaday tan shalay.
Mid kamid ah weerarrada cirka ah ee saaka lagu qaaday Qasa waxa lala eegtay dhismaha dheer ee Watan oo ay yaalaan qalabka inta badan bixiya internet ka magaalada.