HomePolitcalWaa kuma musharraxa madaxweyne ee Maraykanka ee aaminsan in taageerada laga jaro...

Waa kuma musharraxa madaxweyne ee Maraykanka ee aaminsan in taageerada laga jaro Soomaaliya?

Ron DeSantis, barasaabkan jamhuuriga ee gobolka Florida oo sumcaddiisa ka dhistay ku adkaanta waddaninimada iyo dhaqanka ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharraxa Trump ku ciriirin doona qofka xisbigooda kasoo baxaya si uu ugu tartamo madaxtinimada dalka Maraykanka.

Soomaaliya Muxuu ka yiri?

Ron DeSantis wuxuu ka tirsan yahay xisbiga Jamhuuriga ee uu sidoo kale ka tirsan yahay madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump oo ay isku wajihi doonaan musharxnimada xisbigooda si uu halkaas uga soo baxo musharraxa xisbigooda ku matali doona doorashada mataxtinimada ee dalkaas ka dhici doonta sannadka soo socda.

Haddaba xisbigan ayaa aaminsan fikirka ah in Maraykanku yareeyo joogitaankiisa iyo ku lug lahaanshihiisa xasaradaha adduunka ka jira, isla markaana la tashiilo dhaqaalaha waddanka, oo aan lagu bixin meelo ay u arkaan in aysan munaasib ahayn, waxaana ka mid ah Soomaaliya.

Ron DeSantis waxa uu xisbigiisa la qabaa in taageerada la siiyo dalalka qaar sida Ukraine iyo Somaliya in ay tahay mid aan aasaasi ahayn.

ida uu qoray Machadka siyaasadda shacabka ee (AEI), Ron ayaa su’aal geliyey qiimaha ay maraykanka ugu kacayso taageerada uu Ukraine iyo Soomaliya siiyo, hase ahaatee machadka ayaa aaminsan in uu ku saxnaa Ron su’aal gelinta waxa uu maraykanka ka qabanayo Soomaaliya balse waxay ku tilmaameen mid uu “ku qaldanaa” su’aal gelinta taageerada Maraykanka ee Ukraine.

Siyaasigan ka qalin jabiyey Jaamacadaha la isku yiraahdo Ivy league ayey qaar badan oo aaminsan siyaasadda midigta waxa ay ku tilmaameen in uu yahay xiddig siyaasadeed halka kuwa bidixdu ay ku tilmaameen inuu yahay xag jir midigta fog ah.

Balse si uu aqalka cad u gaaro wuxuu ugu horreyn u baahan yahay in uu dhaafo Donald Trump oo mar ahaa nin uu siyaasadda kaga daydo iyo qaar kale oo badan oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga oo taageersan Trump.

Waa kuma Ron DeSantis?

44 jirkan ayaa weli loo arkaa mid ku cusub siyaasadda Maraykanka isaga oo markii u horeysay ka mid noqday aqalka wakiilada gobolkiisa sannadkii 2012.

Lix sano uun kadibna wuxuu noqday senator, muddo gaaban ka hor inta aan loo dooran barasaabka gobolka Florida sannadkii 2018.

Wuxuu ku dhashay magaalada Jacksonville ee gobolka Florida sannadkii 1978, Ron DeSantis wuxuu ku biiray jaamacadda Yale oo uu ka bartay maadada taariikhda- wuxuuna soo noqday kabtanka kooxda xeegada, wax yar ka dibna wuxuu ku biiray kuliyadda sharciga ee jaamacadda Havard.

Intii uu jaamacadda dhiganayey waxaa loo magacaabay sarkaal ka tirsan ciidamada badda Maryakanka waxuuna ka mid noqday laanta sharciga ee ciidanka, xaakimka iyo qareenka guud. Wuxuu ahaa garsoore isaga oo xukumayey maxaabiis ay ka mid yihiin kuwii ku xirnaa xabsigii Guantanamo Bay, iyo sidoo kale la taliye sharci oo ciidamada Maraykanka ee Ciraaq loo daabulay ka caawinayey arrimaha sharciga.

Sannadkii 2010 waxaa si sharfan looga dejiyay ciidannimada inkastoo uu sii watay la shaqaynta ciidamada keydka Maraykanka. Waxayna ahayd xilliyadan markii uu la kulmay xaaskiisa Casey oo ahayd weriye ka shaqeeya telefishan.

Ka dib markii ay soo idlaatay shaqadiisii tooska ahayd ee dhanka ciidanka Mr DeSantis wuxuu noqday dacwad ooge heer federaal ah. Sannadkii 2012 wuxuu tartan u galay kursi baarlamaan gobolka Florida .

Sannadkii 2018 wuxuu ku dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan xilka barasaabnimo ee gobolkiisa Florida oo uu ku guuleystay, waxaana xilkaas loo dhaariyey sannadkii 2019.

Hadda waa ninka musharrxnimda kula dhagan Donald Trump, haddii uu ka soo baxo xisbigiisana wuxuu noqon doonaa musharraxa madaxweyne ee jamhuuriga oo la tartami doona kan ay dimuqraadigu soo saaraan.

Must Read

spot_img