Xulka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa dheelaya kulan ka tirsan is reeb reebka Koobka Aduunka ee sanadka 2026-da, bartamaha bishan November.

Ciyaartoyda, maamulka iyo macalliimiinta xulka oo waayadan ku sugnaa dalka Marooko ayaa isu diyaarinayey kulankooda weyn ee ay la ciyaarayaan Xulka Algeria Khamiista soo socota.

Kulamo saaxiibtinnimo oo ay xulka Soomaaliya isugu diyaarinayso is reeb reebka Koobka Aduunka ayey la cayaareen dalalka Niger iyo Sierra Leone kuwaas oo dhammaantood ay guul darraysteen

Guuldarro saddex iyo eber ah ayaa goradda loo galiyey Soomaaliya ciyaartii ay Niger ka hortageen 14-kii October.

Ciyaartii kale ee xiddigaha Soomaaliya ay la ciyaareen dhiggooda Sierre leone ayaa iyana ku soo dhammaatay 2-0, iyadoo ay guushu ku raacday Sierre Leone.

Kulamadaas ayaa muujiyey tayada hooseysa ee xiddigaha Soomaaliya oo 16-ka bishan isu diyaarinaya kulan ka tirsan is reebreebka Koobka Aduunka oo ay la ciyaarayaan dalka Algeria.

Xiddigga kooxda Al- Ahli iyo Xulka Algeria Riyad Mahres ayaa ka mid noqday ciyaartahannada tabaradaha xulka Algeria u soo xushay inay la ciyaaraan xulka Soomaaliya kulan ka tirsan isreeb reebka Koobka Adduunka 2023-ka.

Hadal hayn badan ayaa ka dhalatay marka la soo bandhigay in xiddiggan heerka caalami uu ku jiro safka Algeria taas oo durba abuurtay walaaca ciyaarta Soomaaliya la dheelayso dalka ku yaalla Waqooyi Afrika oo ka mid ah kuwa ugu horeeya kubadda cagta qaaradda Afrika.

Ciyaarta ayaa lagu qabanayaa garoonka Nelson Mandela ee dalka Algeria, 16 bsihan November oo ku beegan maalinta khamiista ee toddobaadka dambe.

Hadalhaynta kulanka iyo filashada ciyaarta

Wariye Maxamed Cumar Baakaay oo ah khabiir ciyaaraha ah ayaa sheegay in hadal haynta kulankaan laga dareemayo magaalada Muqdisho.

Baakay ayaa qaba in kulankaas uu yahay mid ku adag Soomaaliya marka la eego xulka Algeria oo ka mida ugu awoodda badan kubadda cagta qaaradda Afrika.

Axmed Tahliil Cali oo hada ah tababaraha kooxda Jeenyo ee heerka kowaad ee Soomaaliya hore ugu ciyaaray xulka Soomaaliya ayaa xusay inaan la fududaysan karin xiddigaha xilligan matalaya dalka kuwaas oo labadii bilood ee la soo dhaafay ku tababaranayey dalalka Marooko iyo Tunisia.

“Aniga waxaan qabaa waayo aragnimayda kubadda cagta inaan ciyaartaas ugu yaraan barbar dhac keeni karno Algeria, sababtoo ah waxaa ku jira kuwo leh tayo sare oo laga soo xulay kooxaha kowaad ee dalka iyo kuwa laga keenayo dalka dibadiisa oo aad u wanaagsan” ayuu yiri Tahliil

Inkasta oo ciyaartoyda Soomaaliya ay ku jiraan u diyaargarowga kulanka iyagoo ku sugan dalka Marocco oo hada ah guriga xulka ay ku marti galin doonaan lugta labaad ee Algeria.

Soomaaliya ayaa ah dal ka soo kabanayaa dagaallo iyo burbur muddo dheera, falanqeeyasha ciyaaraha ayaa qaba in xiddigaha aysan helin taageeradii agab iyo tababar ee ay u baahan yihiin.

Marka laga qiyaas qaato kulamadii bishii October ay dheeleen xiddigaha Xulka Soomaaliya ma muuqato filasho natiijo badan ah kulanka Khamiista ay garoonka Nelson Mandela kula ciyaarayaan Algeria.

Waa kuma xiddigga Riyad Mahrez ee ka hortagaya Soomaaliya?

Riyed Mehrez ayaa ku dhashay Faransiiska billowgii sanadkii 1991-dii isagoo xirfadda kubadda cagta soo bilaabay yaraantiisii.

Mehrez ayaa yaraantiisi u soo dheelay kooxad AAS Sarcelles ee dalka Faransiiska 2009-kii, ka hor inta uusan u wareegin kooxda Le Havre ee isla Faransiiska ka dhisan.

Sanadkii 2014-kii ayuu u Mahrez ku biiray kooxda Leicester city ee ka dhisan Ingriiska, ciyaaryahankan ka ciyaara garabka midig ayaa ka mid ahaa kuwii kooxdan u suura galiyey inay hanato horyaalka Ingriiska xilli ciyaareedkii 2015-2016-kii.

Riyad Mahrez ayaa ku guulasystay abaalmarinno dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen xiddigga ugu wanaagsan Egland iyo xiddigga ugu wanaagsan dalkiisa.

Xiddiggan ayaa 2018 ku biiray kooxda Manchester City isagoo sii watay bandhiggiisii cajiibka ahaa isagoo kooxda kula guulaystay Horyaalka Ingiriiska, FA Cup iyo koobab kale.

Mahrez waxa uu u saftay xulkiisa Algeria sannadkii 2014kii, waxaanu u matalay Koobkii Adduunka ee 2014-kii iyo koobkii qaramada Afrika ee 2015, 2017, 2019 iyo 2021, isagoo ku guulaystay tartankii 2016 iyo 2019-kii.

Mahrez ayaa sidoo kale ku guulaystay abaalmarinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa Afrika sanadkii 2016-kii

Xiddiggan ayaa u dhaqaaqay Horyaalka Sacuudiga sanadkan 2023-ka isagoo lacaga dhan 30 milyan oo Gini ugu biiray kooxda Al-Ahli.

Soddon iyo labo sano jirkan ayaa ka hoos ciyaaray 236 kulan tababare Pep Guardiola, isagoo dhaliyay 78 gool, waxaana uu door muhiim ah ka qaatay kooxdii Manchester City ee ku guuleysatay seddexda koob xilli ciyaareedkii hore.

Heshiis gaaraya ilaa sanadka 2025 ayuu kula joogi doonaa kooxda reer Sacuudi ee Al-Ahli.

Share.

Leave A Reply