Abraham Teklu Lemma oo ah 50 jir asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya balse haysta dhalashada Mareykanka ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta in uu sirta difaaca qaranka Mareykanka uu u dusiyay Dal shisheeye oo loo badinayo waddankiisa asalka ah ee Itoobiya.
Teklu waa qandaraasle kasoo shaqeeyay waaxda Arrimaha Dibadda & Cadaaladda Mareykanka waxaana loo xiray eedaymahaas culus oo uu ku muteysan karo haddii lagu helo in uu galay ‘Qiyaano qaran’ oo ciqaab adag ka dhalaneysa.
Dacwad dambiyeedka ka dhanka ah Abraham Lemma ayaa la furay iyada oo fatash lagu sameeyay dhammaan xogaha muujinaya arrintaan in uu ku dhaqaaqay ama caddaynta u noqon kara si kiiskaan loogu gudbiyo xafiiska awoodda u leh.
Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa war ay soosaartay ku qirtay in la xiray uuna sameeyay fal basaasnimo ah balse lagu shaacin warkaas cidda uu xogtaas la wadaagay & waqtigii arrintaan dhacday inkasta oo Abraham Teklu la xiray 24kii Agoosto 2023.
Lemma waxaa intaas u wehliya in eed kale oo la xiriirta ‘in uu si sharci darro ah’ ku haystay dukumiintiyo sir qaran ah, labadaas kiis waxa uu ku kala muteysan karaa Dil Toogasho ah iyo xabsi ugu yaraan gaaraya 10 sano.
La soco wixii kasoo kordha.