- Cabdirisaaq Axmed Xasan
- Role,Cilmibaadhe iyo taariikh ururiye
Waa maalinka xuska Dhagaxtuur, oo lagu muransan yahay waxa ay tahay maalinkan. Waxay dhacday maanta oo kale afar iyo toddobaatan sano kahor. Waan mid ka mid ah maalmaha ku asteysan halganka xornimada Soomaaliya.
Haddaba, Dhagaxtuur ma xuska qof nool uu xornimada u dhintay baa mise waa dhacdo ka mid ah kuwa aan ka gureynin qalbiyada dadka Soomaaliyeed, oo ay u geeriyoodeen dad Soomaaliyeed?
Waa mid ka mid ah dhacdooyinka iyo magacyada waa weyn ee ku asteysan xornimada Soomaalida.
Laakiin la iskuma raacsano waxa rasmiga ah ee uu Dhagaxtuur yahay: Astaan xornimo, mise halyey iyo qof nool oo dhagaxtuur la oran jiray oo ku dhintay halganka xornimo-doonka.
Siyaabo kala duwan ayaa looga hadlaa, waxaa na jira shaqsiyaad iyo reero isku heysta oo mid walba sheeganayo in uu iyaga ka dhashay dhagaxtuur, iyo xitaa kuwa leh walaal iga weyn ama mid iga yar buu ahaa Dhagaxtuur.
Dadkaas waxaa ku jira xildhibaano iyo siyaasiyiin xilal haya ama horey u soo qabtay.
Maxaa ka dhexeeya dhacdadii Ha noolaato iyo Dhagaxtuur?
Waa maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed. Waa maalin ay naftood-huriyaal badan oo Soomaaliyeed u hibeeyeen dhiigooda qaaliga ah difaaca dadkooda iyo raadinta xorriyadda dalkooda.
Shantii bishii Oktoobar sannadkii 1949-kii ayay dadka Soomaaliyeed isugu soo baxeen magaalooyin muhiimka ah ee dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho si ay uga dhiidhiyaan in gumeysigii Talyaaniga ee dhibaatada aan la koobi karin u geystey dalkooda mar kale dib loogu soo celiyo Soomaaliya isagoo markaan huwan magaca Qarammada Midoobey.
Sidaas waxaa ku tashaday dalalkii reer Yurub ee ku guuleystey dagaalkii 1939-kii ilaa 1945 ee jebiyey xulafadii Jarmalku hoggaaminey ee uu Talyaaniga ku jirey.
Go’aankaas lagama tashan dadka Soomaaliyeed oo dhawaaq dheer ku diidey in gumeysiga Talyaaniga lagu soo celiyo dalkooda.
Mudane Cabdullaahi Ciise Maxamuud ayaa sannado door ah ka wedey magaalada New York halgan aan kalago’ lahayn si ay Soomaaliya uga xorowdo dhammaan gumeysteyaasha
Subaxnimadii 5-ta Oktoobar ayay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho isku soo baxeen fagaareyaasha magaaladan iyagoo muujinayo sida ay uga soo horjeedaan in dalkooda mar kale loo gacan geliyo gumeysiga Talyaaniga.
Maamulkii milateri ee dalka Ingiriiska ee xukumayeyn dhulalka Soomaliyeed idilkood marka laga reebo Jabuuti ayaa siiyey dadkaas digniin culus oo ku amray iney joojiyaan isu-soobaxa oo ay kala dareeraan. Laakiin Soomaalidii wey diideen taas, waxayna ku adkeysteen iney sii wadayaan bannaanbaxa oo ay dalkooda u hurayaan dhiigooda.
Taasina waxay sababtay iney askartii Ingiriisku rasaas ku ridaan dadkii oo ay dilaan ilaa laba qof, tobanaan kalena ay dhaawacaan, kuwaas oo ay toddoba ka mid ahi ku dhinteen isbitaallada magaalada. Halkaas markii xaalku uu marayo ayay Soomaalidii billaabeen iney dhagaxyo kaga hortagaan ciidammadii gumeysiga Ingiriiska oo ay ku dhawaaqaan “Soomaaliya ha Noolaato.” Waana halkaas meesha uu ka yimid magaca ay maalintaasi ku caanbaxday ee Hanoolaato ama Dhagaxtuur.
Dadka Soomaaliyeed qaarkood gaar ahaan da’yarta ayaa u maleynaya inuu magaca Dhagaxtuur uu yahay nin Soomaaliyeed, laakiin taasi sax maahan ee waa magac loo bixiyey maalintii 5-ta Oktoobar ee ay Soomaalida kala hortageen dhagaxtuurka gumeysigii Ingiriiska.
Magaalooyinka kale ee dalka ayaa sidoo kale ay dadku iskugu soo baxeen bannaanbaxyo la mid ah sida magaalada Baardheere iyo Doolow oo mid kasta ay askarta Ingiriisku ku dishey laba muwaadin, tiro kalena ay ku dhaawacday.
Intaas wixii ka dambeeyey wuxuu ku dhaqaaqay maamulkii milateriga ee gumeysiga Ingiriisku inuu xiro xaafiisyadii ururrada siyaaasadeed ee Soomaalida, isla markaana la xiro ama loo tarxiilo dhulka baadiyaha ah madaxdii xisbiyadaas iyo aqoonyahankii, culimadii iyo nabadoonnadii, maadaama ay iyagu sabab u ahaayeen dhagaxtuurka iyo bannaanbaxyada.
Dawladdii kacaanka ee Siyaad Barre way qaddarisey maalintaas dhagaxtuur ama Hanoaato oo waxay u sameysay taallo dheer oo laga taagey bartamaha magaalada Muqdisho. Guud ahaanna Dhagaxtuur ama Hanoolaato waa taariikh iyo maalin ku xardhan qalbiyada iyo qoraallada shacabka Soomaaliyeed.
Warbixintan waxaa qoray Cabdirisaaq Axmed Xasan, oo ah Cilmibaadhe iyo Taariikh-ururiye islamarkaas na goobjoog u ahaa dhacdan. Wixii aragti ah waxaa gaar u leh qoraaga, mana ka turjumeyso aragtida BBC.