Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un oo galay safar dhif iyo naadir ah maadaama uu aad u xadiday dhaqdhaqaaqa dibadda ayaa dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin kula kulmaya Magaalada Dekedda leh ee Vladivostok sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow safarkiisa.

Kim ayaa ku safray Tareen gaar ah oo ah nooca aan xabbad garin si looga hortago halis weliba oo uga imaan karta dhinacyada raadsanaya oo ay kamid yihiin Mareykanka, Kuuriyada Koofuriyeed, Japan & dalal kale.

Safarka Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ah mid horay looga warqabay, maalmihii lasoo dhaafay aad ayaa loo hadal hayay, waxaana laga digayaa in Kim Jong Un uu dhiggiisa Ruushka siiyo hub uu u adeegsado dagaalka ka dhanka ah Ukraine.

Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi waxaa mideeyay colaadinta Mareykanka oo waxa ay arrintaan fursad uga dhigeysaa in ay sameystaan isbaheysi xooggan oo ay ka digayaan waddamo badan oo xulafo la ah Xukuumadda Washington.

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi ayaa safarkiisa la qorsheeyay in uu ku qaato 20 saacadood isaga oo jaraya ama isaga kala gudbaya dhul gaaraya 1,180 Kiilo-Mitir, waxa uu gudaha tareenka ku helayaa Maqaaxi uu ka cunteeyo & suuli gaar u ah.

Share.

Leave A Reply