Madaxtooyada JFS ayaa ku martiqaadday Wariyeyaal ka tirsan Warbaahinta gaarka loo leeyahay shir saxaafadeed ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo waxyaabihii u qabsoomay Madaxweynaha jamhuuriyadda muddada uu xafiiska joogo.
Warbaahinta ayaa Afhayeenka Madxtooyada Soomaaliya Abdikarim Ali Kaar, hordhigay weydiimo ku saabsan abaaraha, ammaanka iyo su’aalo quseeyay siyaasadda oo uu mid mid uga jawaab celiyay.