Ururka Xisbullaahi ee dalka Lubnaan waxay saakayto oo Khamiis ah sheegeen inay Lidka Diyaaradaha u adeegsadeen Diyaaradaasi, xilli ay dul maraysay Tuullooyinka Al-Malikiyah iyo Hounin ee Koonfurta dalka Lubnaan.
Dhanka kale, Milliteriga Israel waxay qirteen in Gantaal lagu riday Diyaaradaasi, balse waxay shaki geliyeen in Diyaaradaasi la soo riday.
Si kastaba, Waa markii labaad ee toddobaadkan oo ay Ururka Xisbullaahi Lubnaan sheegaan inay israel ka soo rideen Diyaarad Daroon ah.