Bayaan wadajir ah oo kasoo baxay Hay’adaha Caafimaadka iyo daryeelka carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee loosoo kala gaabiyo UNICEF & WHO ayay ku muujiyeen sida ay ug xun yihiin dhibaatooyinka ka taagan Magaalada Gaza.
Mas’uuliyiin katirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin xal u helista dhibaatooyinka ka taagan Magaalada Gaza si loo daba-qabto carruurta iyo rayidka ka badqaba duqeynta arxanka daran ee Israaiil.
Biyo, Dawo, Nabadgalyo & cunno la’aan ayaa heysata 2.2 Milyan oo reer Falastiin ah kuwaas dhibaato xooggan ay ku hayaan Militariga Israaiil oo hub iyo garab istaag buuxa ka heysta Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Dalal kale oo reer Galbeed ah.
“Dunida waxa ay isha ku heysaa xaaladda cakiran ee Magaalada Gaza, dabcan waxaa heysta cunno la’aan, biyo la’aan, Dawo la’aan, Koronto la’aan & xasilooni darro, waa muhiim in la helo ama la dhaqangeliyo Xabad-joojin ” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay UNICEF & WHO.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dhowaan sheegay in falka ay sameyneyso Israaiil ee ka dhanka ah Shacabka Falastiin iyada oo ka duuleysa weerarkii jabka weyn lagu gaarsiiyay ee dhacay 7dii Oktoobar 2023 aanay la daawan Karin.