Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa u sheegay dadka Ruushka AH in hogaamiyahooda uu burburinayo dalkooda. 

Isagoo hadlayay ka dib markii Vladimir Putin uu jeediyay khudbad sanadka cusub oo ay garab taagnaayeen dad ku labisan dareeska militariga, ayuu Mr Zelensky sheegay in madaxweynaha Ruushka uu ku dhuumaaleysanayo ciidamadiisa, ee uu hoggaaminaynin.

Sabtidii waxa ay ahayd maalin duqeymo lagu hoobtay ay ka dhaceen guud ahaan Ukraine, Zelensky wuxuu sheegay in dadka Ukraine aysan cafin doonin Ruushka.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarradaas

Waxaa jiray weeraro kale oo gantaallo ah oo lagu garaacay Kyiv saacado uun ka dib sanadka cusub Axadii, sida ay saraakiishu sheegeen. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca khasaaraha.

 Madaxa ciidamada qalabka sida ee Ukraine, Valerii Zaluzhny, ayaa sheegay in difaaca cirka ay soo rideen 12 ka mid ah 20 gantaal oo Ruushku leeyahay Sabtidii.

Weerarradan ayaa dhacay labo maalmood kadib markii mid ka mid ah duqeymihii ugu weynaa tan iyo markii uu dagaalka bilowday ay dhaceen. Daraasiin weeraro ah oo socday toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa sababay korontadda oo tagtagta.

Moscow ayaa marar badan beenisay in la bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah, laakiin Mr Putin ayaa dhawaan qirtay in ay beegsadeen xarumaha tamarta muhiimka ah.

Hadal uu ka jeediyay kanaalkiisa Telegram-ka ayuu Mr Zelensky ku sheegay in kuwii fuliyay weeraradii Sabtidii ay ahaayeen kuwo aan lagu sheegi karin in ay aadame yihiin.

Isaga oo ka soo wareegaya Yukreeniyaan una beddelay Ruush, ka dibna waxa uu weeraray Mr Putin.

“Hogaamiyahaagu waxa ay tahay in uu dadkiisa waddada tuso oo uu uu hormood u yahay, ciidankiisuna waa ay ka dambeeyaan,” ayuu yidhi.

Laakiin dhab ahaantii wuu dhuumanayaa, wuxuu ku dhuumanayaa ciidanka gadaashooda, gantaaladiisa, darbiyada hoygiisa iyo daaraha waaweyn ee uu deggan yahay.

“Wuxuu ku dhuumanayaa gadaashiinna, wuxuuna gubayaa dalkiina iyo mustaqbalkiina, cidna kuma cafin doonto argagaxisannimadaas uu samaynayo, ma jiro qof adduunka ah oo kaa cafinaya taas, Ukraine kuma ma cafin doonto.”

Mr Zelensky ayaa markii dambe khudbad sanadeed cusub u jeediyay dadka reer Ukraine, isagoo uga mahad celiyay dadaalkooda “cajiibka ah” ee ay kaga hortagayaan duullaanka Ruushka.

“Waxaan u dagaallanaa hal koox – dalka oo dhan, dhammaan gobolladayada, dhammaantiin waan idin bogaadinayaa, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo gobol kasta oo aan laga adkaan oo Ukraine,” ayuu ydhri.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa isna dhankiisa jeediyey khudbaddii sanadka cusub isaga oo  isku dayay inuu isaguna u muujiyo garab istaag ciidamadiisa ka dagaalamaya Ukraine, isagoo sheegay in mustaqbalka dalkaas uu halis ku jiro.