Turkiga ayaa Giriiga ugu baaqaya iney si degdega ciidamadooda Milatariga ugala
baxaan jasiiradaha Giriiga ee udhow xeebaha Turkiga.
Turkiga ayaa sheeganaya jasiiradahaas oo Heshiiskii Lausanne loogu gacan galiyay Giriiga.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay inaanu u hogaasami doonin heshiiskaasi marka laga gaadho sanadka soo socda ee 2023, xiligaas oo uu ku eeg yahay heshiiskii Lausanne.
Erdogan wuxuu sheegay inuu doonayo in jasiiradahaas dib loogu soo celiyo gacanta Turkiga, isagoo wacad ku maray in Turkigu uu ku dhaqaaqi doono xoog Milatari hadii ay ka fursan waydo.