Turkiga ayaa doonaya in caalamka uu ugu yeero magaca Türkiye. Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii shaacisay inay magaca Turkey u bedali

91

Turkiga ayaa doonaya in caalamka uu ugu yeero magaca Türkiye. Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii shaacisay inay magaca Turkey u bedali doonto Türkiye.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in magaca cusub uu “si wanaagsan u muujinayo dhaqanka, ilbaxnimada iyo qiyamka dalkiisa.”

Dadka qaar ayaa ku doodaya in isbedalka uu ka dhashay aragti ah in aan la isku khaldin magaca dalkaas iyo shimbirta Turkey loo yaqaan ee u eg dagiiranka.

Marka la eego luuqada Turkiga, magaca dalka ayaa loo qoraa Türkiye. Markii uu dalkaas madax bannaanidiisa ka qaaday quwadihii Galbeedka 1923, dalka ayaa la baxay magaca Turkey oo ah luuqada Ingiriiska.

Hadaba waxaa jira dalal kale oo iska bedalay magacii loo yaqaanay. Qaarkood waxay sidaa u sameeyeen sababo siyaasi ah, halka kuwo kalena ay ka fogaanayeen taariikh hore.

Eswatini
Bishii April 2018, Boqor Mswati III ayaa magaca dalkiisa Swaziland u bedalay Eswatini, isagoo rabay inuu meesha ka saaro xiriirka muuqda ee uu magacaa la leeyahay gumaystihii soo maray.

Waxaa kale oo la sheegay in boqorka uu ka carooday sida ay dadka isugu qaldaan magaca waddankiisa iyo kan Switzerland.

Shaacinta magaca cusub ayaa lagu soo beegay sanadguuradii 50-aad ee markii la asaasay dalkaas.

Eswatini oo ah magaca dalkaas loo yaqaanay ka hor inta aanu gumaystaha qabsanin, ayaa ka dhigan “dhulka Swaziz”.

North Macedonia
Sanadkii 2019, jamhuuriyaddii Macedonia ayaa si rasmi ah magaceeda ugu bedashay Jamhuuriyadda Waqootiga Macedonia. Sababta go’aankaas loo gaaray ayaa ahayd mid siyaasadeed.

Dalkaas ayaa doonayay inuu wanaajiyo xiriirka kala dhexeeya Giriigga, maadaama uu doonayay inuu ku biiro NATO iyo Midowga Yurub.

Giriigga ayaa cabasho ka muujiyay magaca waddankaas ee Macedonia, maadaama uu jiro gobol ka tirsan o oleh magacaas, iyo in ay jirtay Boqortooyo Giriigga ka talin jirtay oo loo yaqaan Macedonia.

Khilaafka labada waddan ayaa gaaray heer uu xasillooni darro ka abuuro gobolkaas.

Xukuumadda Athens ayaa doonaysay in dalkaas uu gebi ahaanba ka tanaasulo magaca Macedonia oo uu la baxo magacyada “Jamhuuriyadda Vardar ” ama “Jamhuuriyadda Skopje”.

Wadaxaajood dheer kadib, waxaa lagu heshiiyay in magaca waddankaas loo bedalo Jamhuuriyadda Waqootiga Macedonia.

The Netherlands
Xukuumadda Amsterdam ayaa iska bedashay magaca Holland. Tan iyo sanadkii 2020, hogaamiyayaasha ganacsiga, dalxiiska iyo hay’adaha dowladda ayaa waddankaas ugu yeeray the Netherlands.

Dalkaas ayaa hadda leh laba gobol oo lagu kala magacaabo North Holland iyo South Holland, waxaana ay kamid yihiin 12-ka gobol ee dalkaas.

Sababta uu waddankaas magaca isaga bedalay ayaa lagu sheegay inuu iska fogeynayo daroogada iyo haweenka jirkooda ka ganacsada ee ay caanka ku tahay caasimadda Amsterdam, oo ku taalla gobolka North Holland.

Czechia
Jamhuuriyadda Czech ayaa magaceeda u bedashay sababo suuq geyn. Sanadkii 2016, dowladda Czech ayaa si rasmi ah magaceeda ugu bedashay Czechia si uu magacaas caan uga noqdo caalamka.

Mas’uuliyiinta dalkaas ayaa sheegay in magaca cusub uu ka fudud yahay jamhuuriyadda Czech, si sahal ahna loogu qori karo alaabaha laga soo saaro dalkaas.

Inkastoo Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah shirkadaha waaweyn ay dalkaas ugu yeeraan Czechia, ayaa haddana waxa uusan si weyn u gaarin caalamka intiisa kale.

Sababta ayaa qeyb ahaan lagu sheegay in Czechia lagu qaldi karo Chechnya oo ah gobol ka tirsan Ruushka.

Sanadkii 2020, ra’iisal wasaaraha Andrej Babis ayaa u sheegay wargeyska The Wall Street Journal in uusan jeclayn magaca Czechia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here