Boliska dalkaasi waxay si kulul uga jawaabeen war ka soo baxay Safaaradda Maraykanka oo ay kaga digtay suurtogalnimada Weeraro ka dhaca goobaha waa weyn ee dadka isugu yimaadaan, gaar ahaan magaalladda Dar es Salaam oo ah magaalladda Ganacsiga ee ugu weyn dalkaasi oo loo dalxiis tago.

War-Saxaafadeed ka soo baxay Afhayeenka Boliska Tanzania, David Misime waxa uu ugu baaqay Muwaadiniinta dalkiisa inay is-dejiyaan oo ay sii wataan Hawl-maalmeedkooda caadiga.

Waxa uu intaasi ku daray inay Tanzania xor ka tahay nooc kasta oo Fal Argagixiso ah iyo in la hubiyey Amaanka iyo Badqabka.

Afhayeenka waxa uu ku booriyey dadka u dhashay Tanzania inay soo sheegaan mar kasta oo ay helaan wax ay ka shakiyeen ama ay arkaan qof kasta oo ay dabeecadiisa ka shakiyaan.

Waxa uu mar kale  xaqiijiyey in cabsi kasta oo weyn oo ay dadka ka walaacaan la xakameeyey oo ay ku hoos jiraan Kontoroolka (under control).

Hadalka Afhayeenka Boliska dalka Tanzania waxa uu soo baxay, kadib, markii ay Safaarada Maraykanka soo saartay Digniin dhanka Amaanka bishan January 25-dii.

Qoraal la soo dhigay Websaytka Safaaradda ayaa ka digay weeraro Argagixiso oo lala beegsado Goobaha ay inta badan isugu yimaadaan Muwaadiniinta Maraykanka iyo kuwa Reer Galbeedka ee ku sugan magaalladda  Dar es Salaam iyo meel kasta oo Tanzania ka mid ah.

Qoraalka waxa kaloo laga digay in la beegsan karo Hoteelada,  Safaaradaha, Baararka, Xaruumaha laga Dukaamaysto, Suuqyada, Saldhigyada Boliska, Goobaha lagu cibaadaysto iyo meel kasta oo ay inta badan dadka Reer Galbeedka isugu tagaan.