Taliyaha qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ayaa sheegay in laga hortagay isku day weerar oo ‘AS’ ku qaadday Saldhig Ciidamada Federaalka ku leeyihiin Degmada Afmadow waa sida uu hadalka u dhigay.
Gen. Bogmadow waxa uu sheegay in Ciidanku ay heleen xog ku saabsan Duullaanka ‘AS’ iyaga oo feejigan ay la kulmeen labo Gaari oo walxaha qarxa lagu soo raray si waxyeello loogu geysto Ciidamada waa sida uu yiri.
Taliyaha qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Gen. Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow waxa uu intaas ku daray in Ciidamada la kulmay duullaanka ‘AS’ loo diyaariyay in ay weerareen deegaannada ay ‘AS’ ka heysato DG Jubbaland.
“Saakay aroortii qiyaaastii 6:15 AM ayay khawaariijtu isku dayday in gawaari ku qarxiso xero ay degen yihiin Ciidanka Daraawiishta & SNA ee loo diyaariyay in ay Cadawga ku duullaan, waxa uu ujeedkoodu ahaa in ay qalqal geliyaan ciidamadu aynu diyaarineynay, khasaaro ma jiro dhaawac yar oo fudud ayaa jira, xeradu waxa ay ku taallaa Dhanka Bari ee Afmadow, ciidamada ayaa arkay labada Gaari oo toogtay wadayaasha Gawaaridaas, howlgalkeenna uma joogsan doonno waan sii wadeynaa” Gen. Bogmadow, Taliyaha qaybta 43aad ee CXD.
Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose waxaa la isugu geeyay Ciidamada Federaalka, Daraawiishta DG Jubbaland & Dadka deegaanka oo loogu talagalay in duullaan wadajir ah ay ku qaadaan deegaannada ay joogaan ‘AS’.