Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD Kor. Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay)ayaa maanta gaaray degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.
Taliyaha waxaa sodhaweyn muxubbo ka muuqatay garoonka Diyaaradaha Buulo-burde ugu sameyay saraakiisha iyo ciidamada guutada 5-aad ee degmadaasi ku sugan.
Howlo shaqo oo la xariiro ciidanka CXD ee degmada Buulo-burde ka howlgala ayuu taliyaha u gaaray degmadaasi.
Taliye Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) ayaa kamid ah saraakiisha ugu fir-fircoon ee CXD guutooyinkooda kala duwan.