Taliska ciidanka Malateriga Soomaaliya ayaa sheegay inay howlgal ku dileen taliyihii ugu sareeyey Alshabaab ee gobolada Bay iyo Bakool oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Nuur Gacal (Sheekh Al-sima) sidoo kale waxay xuseen inay dileen 11 xubnood oo ka tirsana Alshabaab.
Howlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-Cuni ee degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool.