Taladii xabsiga lagu siiyay atoore Sanjay Dutt ee sida weyn u anfacday

142

Sanjay Dutt waxa uu ka mid yahay atooreyaasha Bollywood-ka ee lacagta badan sameeyay, balse magaciisa waxa dhiiqeeyay fadeexado kala duwan.

Biloowgii xirfadiisa jilliinka waxaa kusoo baxay fadeexado , isaga oo lagu heley dambi la xiriira qaraxyadii 1993-dii ee Mumbai, wuxuuna xabsiga galay muddo dhawr sano ah.

Kadib wuxuu bilaabay bog cusub oo noloshiisa ah, wuxuuna kasoo muuqday filimo kala duwan, isaga oo hadda oo ugu dambeysay uu ka shaqeeyay filimkiisa KGS-2 oo noqday mid guuleystay.

Sanjay ayaa la hadlay weriyaha BBC-da Nayandeep Rakshit, isaga oo kala sheekeystay moowduucyo kala duwan.

Muxuu Sanjay ku isticmaalay lacagihii uu xabsiga ku heley?

Waxaa wax laga weeydiiyay in uu xanaaqi jirey intii uu ku jiray xabsiga ama xaaladaha adage e maxkamadda, wuxuuna sheegay in marnaba uusan xanaaqin.

Waxa uu sheegay in taliye ka mid kuwii xabsiga xukumayay uu siiyay talo dhaxalgal ah oo aad u caawisay.

“Waxay ii sheegeen in rajo ka quusto, waanan yeelay, labo todobaad ayay igu qaadatay, balse muddo kadib waxaan arkay waqtigii xabsiga la igu xukumay oo si dhaqso leh u dhamaaday” ayuu yiri Sanjay.

Waxa kale oo uu sheegay in uu ka shaqaynayay raadiye ku yaala xabsiga, isaga oo maalintii qaadan jirey lacag dhan Rs 6,000 kun oo rubi (lacagta Hindiya).

“Lacagtaasi waxaan u kaydiyay xaaskaysa, meel adag ayaanan gashaday” ayuu yiri Sanjay oo sidoo kale xabsiga ka qabtay shaqooyin ay ka mid tahay in uu sameeyo boorsooyin.

Mar wax laga weeydiiyay xiriirka uu la leeyahay bahda Bollywood-ka ayuu sheegay in uu xiriir wanaagsan la leeyahay dadka qaarkood, islamarkaasna aysan jirin wax tartan ah oo ka dhaxeeya iyo cadawtinimo toona “qof kasta shaqadiisa ayuu qabsadaa, waxaana taas ka helaa farxad” ayuu yiri Sanjay Dutt.

Sanjay ayaa sidoo kale ka hadlay saaxiibtinimada kala dhaxaysa atooraha kale ee Salman Khan, kaas oo uu sheegay in uu xiriirkooda wanaagsanyahay.

Aflaamta ayuu sheegay in uu sameeyay kuwa fiican iyo kuwa xunba, illaa haddana uu gacanta ku hayo filimaan kala duwan.

“Qoyskayga waxaan ka heley jacayl faro badan, markii ay hooyaday dhimanaysay waan yaraa, ilmahayga ma aysan arkin xitaa aabahay ma uusan arag carruurtayda, balse waxyaabihii ay i bareen waa wax i anfacay” ayuu yiri Sanjay Dutt.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here