Waaxda Difaaca Taiwan ayaa digniin kasoo saartay diyaaradaha Dagaalka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee maalmihii u dambeeyay kusii kordhayay Hawadeeda sida lagu yiri bayaankaan la baahiyay.
Taiwan oo ku doodeysa in ay ka madaxbannaan tahay Shiinaha balse Beijing ay diidan tahay arrintaas ayaa dareemeysa culeys Militari oo uga imaanaya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha oo la xiriira in aanay qaadi Karin tallaabooyin ka dhan ah midnimadooda.
Digniinta Taiwan ayaa lagu muujiyay sawirro iyo muuqaallo laga duubay diyaaradaha Militariga Shiinaha oo dul xeexaabaya Hawadeeda, waxaana ay ku sifeysay daan-daansi aan gabbaad lahayn oo Beijing ku dooneyso dagaal labada dhinac ka dhex qarxa.
Shiinaha ayaa arrinta Taiwan awgeed kula coloobay Mareykanka oo madax sare ay safarro waqtiyo kala duwan ku tageen, waxaana tallaabadaas ka carooday Xukuumadda Beijing oo Maraakiibta iyo Diyaaradaha Dagaalka dul-dhigtay.