Su’aalo weydiin ayaa lagu billaabay Nin ku eedeysan in uu furay albaabka badbaadada ee diyaaradda Asiana oo xiligaas ku guda jirtay duullimaad toos ah balse waxaa badbaaday 194 ruux oo halis nafeed lasoo deristay.
Ninkaan ayaa la sheegay in tallaabada uu sameeyay ay sababtay in ay xannuunsadaan qaar kamid ah rakaabka diyaaradda Asiana oo neefta ku dhegtay inkasta oo daryeel caafimaad loo fidiyay sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Da’da ninkaan albaabka diyaaradda furay waxaa lagu sheegay sodonaadka waxaase ku socda baaris xooggan oo lagu su’aalo weydiinayo waxyaabaha ku kalifay in uu albaabka badbaadada diyaaradaha oo keliya loo furi karo marka halis imaato uu u furay.
Mas’uuliyiin katirsan Kuuriyada Koofureed ayaa sheegay in waqti sugan aanay laga heyn xilliga uu ficilkaas dhacay laakiin qiyaasta ugu dhaw ay tahay 12:45 xilliga gudaha Dalkaas balse barista lagu wado Ninkaan wax weliba ay caddeyn doonto.
Goobo caafimaad ayaa la dhigay kala bar rakaabka saarnaa diyaaradda maadaama xannuun dhanka neefsashada ah uu lasoo dersay si loo daweeyana ay u baahdeen in la dhigo isbitaallada takhasuskoodu yahay.