Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Saree e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Shirweynaha 42aad, ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhaqanka, Waxbarashada iyo Cilmiga ee UNESCO oo ka socda magaalada Paris, ee dalka Faransiiska.

Wasiirka ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysay oo uu ka jeediyay Shirweynaha Guud ee UNESCO ayaa waxaa uu kaga hadlay xaaladda Waxbarashada  ee Soomaaliya iyo sida ay dawladda Soomaaliya uga go’antahay baahinta waxbarasho tayo leh si wax loogu qabto ubadka Soomaaliyeed ee waxbarasho la’aanta haysato.

Sidoo kale Wasiirka Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa si gaar ah u xusay kumannaankii macallimiin ee dhowaan la qaatay iyo kumannaanka kale ee dhowaan la qaadan doono, si baahida waxbarashada ee dalka wax looga qabto.

Wasiirka ayaa ammaanay mabaadii’da ay ku dhisantahay Hay’adda UNESCO oo ah in dalalka xubnaha ka ah ay iska kaashadaan horumarinta iyo sare-u-qaadista tacliinta iyo dhaqanka si loo helo duni ku dhisan is-qaddarin, wax-wadaqabsi iyo iskaashi.

Share.

Leave A Reply