Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareyn culus kala dul dhacday Israaiil oo si arxan-darro ah ku beegsaneysa Shacabka Falastiin kaddib markii ay isugu dareen duqeyn iyo xayiraad culus oo saameyn taban ku reebay.
Yuhuudda ayaa korontada & Biyaha ka jartay Shacabka Dulman ee Falastiin iyada oo duqeyn xooggan oo saameyn weyn ku reebay ku garaacay guryaha rayidka, Goobaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo xeryaha ay degen yihiin Barakacayaasha.
War kasoo baxay Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa lagu sheegay mowqifka Soomaaliya ee arrinta ka taagan Magaalada Gaza oo dhacdooyin argagax leh laga soo tabinayo tan iyo 7dii Okoobar 2023.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay Falastiin, go’aanka Dowladdana uu yahay mid lagu dhinac taagan yahay Shacabka xaq u dirirka ah si ay u helaan Dowlad madaxbannaan oo caasimaddeedu tahay Qudus.
“Waxaan cambaareyneynaa beegsiga lagu hayo dadka rayidka ah iyo barakicinta qasabka ah, waxaana caddeyneynaa mowqifka adag ee Soomaaliya ay ka taagan tahay in ay taageerto xaqa shacabka reer Falastiin ay u leeyihiin in ay helaan dowlad madax bannaan oo caasimaddeedu tahay Al-Qudus Al-Shariif” ayaa lagu yiri qoraalka Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.
Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Dalal kooban oo reer Galbeedka ah ayaa Israaiil ku garab istaagay duqeynta xasuuqa ah ee ay ku beegsaneyso Shacabka Falastiin ee dulman halka Waddamo aad u badan ay ka dhiidhiyeen dhibaatadaas lagu hayo Falastiiniyiinta.