labo mashruuc oo kala ah Baxnaano oo lacago kaash ah lagu siiyo dadka Soomaaliyeed ee dakhligoodu liito waxa uuna soo bilowday 2019-kii, isaga oo ku eg 2024. Iyo mashruuca la dagaalanka Ayaxa ee soo billowday 2020-kii kuna eg June 2023.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa fulineysa labo mashruuc oo ku kacaya ku dhowaad $200 oo million dollar, waxa ayna kala yihiin mashruuca Damalcaafimaad oo soconaya 2021 ilaa 2025. Sidoo kale wasaaraddu waxa ay fulisaa mashruuca Covid-19 oo soo billowday June 2022 kuna eg May 2023. Wasaaradda Tamarta iyo biyaha ayaa dhankeeda fulisa mashaariic kukaceysa ku dhowaad 300 oo million oo dollar. Waxaana ka mid ah mashruuca dibukabashada Tamarka Soomaaliya oo ku kacaya lacag dhan $150 milion oo dollar, mushruucan ayaa dhamaanaya 2026-ka. Iyo mashruuca tayeynta biyaha oo lacagta ku baxeysaahi dhantahay ilaa 30 milion oo dollar. Waxa uuna ku egyahay 2028-ka.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, bankiga dhexe iyo wasaaradda waxbarashada ayaa dhankooda fulinaya mashaariic yaryar oo iskudarka lacagtoodu gaarayso illaa $130 milion oo dollar. Wallow uu mashruuca xafiiska reysalwasaaruhu dhamaaday 2022-kii.
Kuwaan waa mashaariicda ilaa iyo hadda ugu waaweyn ee ay Dowaldda Soomaaliya fuliso.
Hadaba Soomaaliya ma u muuqataa mid ka faa’iideysata mashaariicda baaxaddaas leh ee uu Baanka Aduunku ka fulinayo. Mase muuqdaa waxtarka mashaariicdani ay bulshada ku celiyeen?