Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan la qaatay Taliye xigeenka Ciidamada Talyaaniga dhanka Hawl galada wadajirka ah iyo Saraakiil ka socoto EUTM Xafiiska Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Taliye xigeenka Ciidamada Talyaaniga dhanka Hawl galada wadajirka ah ayaa ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada Midowga Yurub ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Taliye xigeenka Ciidamada Talyaaniga dhanka Hawl galada wadajirka ah iyo Saraakiil ka socoto EUTM Xafiiska Soomaaliya ayaa ugu dambey looga Hadlay Sidii loo Xoojin lahaa Tababarada iyo Qalabeynta CXDS.

Dowladda Talyaani ayaa xiriir wanaagsan waxa uu kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, iyada oo ka taageerta dhanka arrimaha Bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha, sida waxbarashada sare, iyada oo ardayda ka baxda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed fursado waxbarasho loogu dira dalka Talyaaniga.

Share.

Leave A Reply