Siyaasi.Haadaa Xaaji Koykoy Jarbac oo kal dhaweyd u tartamaya kursiga hope004 ayaa talo u soo jidiyay Gudiga shirka Belaha Xawaadle ee ka dhacayo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya hoos ka sii ari

Acw dhamaan.
Siyaasi.Haadaa ayaa yiri
Gudiga Xawaadle ee soo qaban qaabinaya Shirka Nairobi maxaa lagudboon?

Ayadoo laga faa’ideysanayo taariikhda , waayo aragnimada iyo wadciga siyaasadeed ee la joogo waxaa idinla kudboon .

Waxaad haystaan fursad Yar oo shir Xawaadle oo hor u dhac aad ku qaban kartaan hadii sida ay ila tahay dhiiranaan aadan cidna ama shaqsiyaad gooni ah ku ixtiraamayn la timaadan waxaad horseedi doontaan guulo Xawaadle u aayi doono taariikhdana idinku xusi doonto sida.

1- In aad dhistaan gudi siyaasadeed oo Xawaadle u siman yhy hankooduna uusan siyaasad ahayn isla markaana aysan xubno ka ahayn shaqsiyaadka siyaasada horboodayay waayadii dambe kuna fashilmay ama kuwa hada ku jira .

2- In Xawaadle Hirshabelle gabi ahaanba si buuxda uga baxo hadii aanan lasoo buuxinin waxa ay danteena ku jirto oo ah in lakala diro maamulka Hirshabelle ee hada jira labadiisa gole lana saxo awood qeybsiga beelaha Xawaadle iyo Abgaal ileen kuwa kale waxba kama maqna hada.

3- In Maamulka Hiiraan dib loo yagleelo lana dhiso gole degaan degmo kastana ay maamulaan xubno doorasho ku yimid.

4- Duubka Ugaaska sida ay ila tahay Waqtigan kuma haboona sbbta dalka waxaa ka jira colaado wajiyo bdn leh waxayna tahay Caleemo saarka inay kasoo qeyb galaan Isimo,Ugaasyo,Madax dhaqameedyo shanta Somaliyed,qurba joog iyo siyaasiyiin leh heerer kala duwan waxayna ku mashquulsan yhn colaadahaas iyo abaaraha jira kasoo qeyb galkoodana waxay muhiim u tahay sharafteena sdaa awgeed dib haloo dhigo [ Qodabkaan waa ra’yi kali ah ].

5- In laga fogaado mucaarad Xawaadle oo DFS ah ay nagu riixaan shaqsiyaad siyaasiyiin ah oo dantooda ka waayey Dawlada Hassan Sheikh.

6- In dagaalka lagula jiro Khawaarijta la taageero laguna bogaadiyo dhamaan Madaxda horseedka ka ah isla markaana la dhamaystiro xoreynta Hiiraan oo dhan .

Waan ogahay qodobadaan inaysan jeclaaneyn xubnaha siyaasiyiinta qaarkood oo iskugu jira kuwii hore iyo inta hada joogta lkn lama joogo waqtigii loo afduubnaa shaqsi ama shaqsiyaad waxaa ka muhiimsan masiirka Beesha oo waqti hore GOD dheer lagu ridey masuuliyadeedana ay Lee yhn kuwii sodonka sano ka bdn ina maamulayey,sidaa awgeed gudiga shirka Nairobi waa inaad la timaadaan wax la taaban karo oo lagu soo hirto sidoo kalana soo jiita indha DFS iyo Hirshabelle dadka ay inagala dhaxeyso.

Haadaa Xaaji Koykoy.