Toddaabadkan ugu yaraan toban qof ayay ciidammada Somaliland ku dileen Laascaanood; dhaawucu wuxuu kor u dhaafayaa 30 qof. Isla xisaabtan siyaasadeed ayaa bannaynaya in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi yahay qof wax laga weyddiin karo burburka, geerida iyo dhaawaca la xiriira bannaanbaxyada ka dhacaya Laascaanood.

Xalku uma adka sida loo malaynayo. Wax badan waxa ay ku xiran yihiin go’aan qaadashada Madaxweyne Biixi waayo isaga ayay daacad u yihiin ciidammada gaboodfalka geysanaya.

Dhibaatada Laascaanood ka jirta waxaa sababay maamul aan la isku raacsanayn oo magaalada ka arrimiya. Sanadkii 2007dii ayuu maamulka Somaliland qabsaday Laascaanood. Kooxdii fududaysay qabsashada magaalada waxay la tartami wayday koox hore Somaliland ula sii shaqaynaysay oo maleeshiyo u diyaarsan haysatay. 

Maadaama hub ka dhigis maleeshiyo (demobilisation) aysan ka dhicin Laascaanood maamulka Somaliland wuxuu si uun u maareynayay danaha laba maleeshiyo oo kala awood-batay. Ugu dambayntii Axmed Cabdi Xaabsade, oo qabsashadii Laascaanood fuduyeey, ayaa dib ugu goostay Puntland sanadkii 2014kii, oo ah sanadkii Maamulkii Labaad ee Khaatumo la dhisay.

Marnaba meesha kama bixin su’aasha: Yaa siyaasad ahaan metela Laascaanood Somaliland waxay lugta la soo gashay gobol siyaasiyiintiisu uu ka dhex socdo loollan siyaasadeed oo mararka qaarkood dagaallo sababay. Taariikhdan siyaasadeed ku saabsan gobolka laga billaabo 1998kii ma aha mid siyaasiyiintu jecel yihiin in dib loo eego si loo fahmo dhibaatada taagan

Maamul ku tiirsan maleeshiyo gaar ah ma noqon karo mid sharciyad uu wax ku maamulo haysta. Laascaanood kama duwana dhanka siyaasadda Muqdisho ka hor 2006, sanadkii ururkii Midowgii Maxkamaduhu jebiyeen kooxihii qabqableyaasha Muqdisho kala qeybsaday, hortaagnaa horumarka dadka, aloosi jiray colaado, markii dambena isu bixiyay ururka la dagaallanka argagixisada. Weliba Laascanoood waxay kaga sii daran tahay Muqdisho waa in dad Soomaaliyeed 2021kii si qasab ah looga barakiciyay inkastoo Soomaaliya weli hal dal tahay sharci ahaan

Wax badan oo ismaandhaaaf ah meesha waa laga saari lahaa haddii Somaliland dhowrayso mabda’a in Soomaaliya weli hal dal tahay. Ku tiirsanaanta iyo u nuglaanta cadaadsiyada maleeshiyada waxay noqon lahaayeen caqabado si fudud looga gudbi karo.

Waxaan jeclaan lahaa inaan Madaxweyne Muuse Biixi xusuusiyo in Galbeedka Somaliland iyo Sool (Nugaal mar ka tirsanayd welina juqraafi ahaan Nugaal ku taalla) ay wadaagaan taariikh siyaasadeed. Dadkii Ka yimid Boorame dhammaadkii kontomeeyadii qarnigii 20aad oo wax ka asaasay ururkii United Somali Party waxay reebeen taariikh siyaasadeed.

Wixii ka dambeeyay 2012 xiriirka maleehsiyada Sool iyo Galbeedka Somaliland ma keenin wax dadka  gobolka oo dhami ay ku dhaadan karaan. Kooxo suuqa siyaaasadda wax ku kala iibsanaya kuna qasbaya dadka maamul aan la isku raacsanayn ayuu isbahaysigaasi unkay, oo waa tijaabadaas siyaasadeed midda maanta hurinaysa xasilooni-darrada Laascaanood ka taagan.

Madaxweyne Muuse Biixi uma baahna inuu dusha saarto eedda oo dhan. Waa inuu qaado taallabo uu Laascaanood ku siinayo fursad ay dadkeedu iskugu raacaan aragti siyaasadeed ay ku wada noolaan karaan: Waa inuu  ciidammada Somaliland Laascaanood kala baxo. Maamulka Somaliland wuu jiray ka hor Oktoobar 2007.

Haddii Somaliland la baxdo ciidammadeeda waxay dadka Laascaanood helayaan fursad ay kaga fiirsadaan hoggaamiyayaashooda siyaasadeed waayo way arkeen in koox meel ku shirtay ama koox maleeshiyo ah aysan sheegan karin inay wakiil ka yihiin Laascaanood.

Waajib ayaa dowladda Somaliland iyo siyaasiyinta ka saaran inay taageeraan siyaasad aan dadka Laascaanood ku nool iska hor keenaynin, siyaasad aan kobcinaynin koox maleeshiyo ah oo dadka ku amar-ku-taagleysa. Heeshiiskii Baligubadle ee 1990kii uu Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac wax ka saxiixay wuxuu ku salaysnaa mabda’a: siyaasadda ayaa qoriga hoggaaminaysa.

Maqnaanshaha mabda’aas ayaa sababay in ciidammada Somaliland iyo maleeshiyada deegaanku laayaan dad badan oo cabbirayay xaqooda siyaasadda. Madaxweyne Muuse Biixi waa inuusan isdulmin, dadka kalena dulmin. Waa inuu ciidammada Somaliland kala baxo Laascaanood. Wuxuu noqon doonaa go’aan u hiilinaya xaqa siyaasadeed ee dadka Laascaanood, tusina doona dunida in Somaliland u taagan tahay nabad iyo  dhowrista xaqa siyaasadda ee muwaadinka.

W/Q: Liibaan A. Axmad
Email: [email protected]