Beesha Saleemaan Cabdalle ayaa yeelatay shirweyne 11, Jan. ilaa 15, Jan. 2023. Shirkaan oo daba socday shirar ka horeeyay bilihii la

soo dhaafay oo lagu qabtay gudaha dalka Soomaaliya iyo Dibaddiisa. Waxaa looga arrinsanayay sida ay Beeshu u yeelan laheyd
hoggaan siyaasadeed, kaasoo qaabeeyn doona siyaasadda Beesha Saleemaan Cabdalle meel kasta ay joogaanba. Waxaa kasoo qayb

galay in ka badan 200 oo qof oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ay hogaaminayaan Duubabka, Culumada,
Cuqaasha, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Saraakiisha Ciidamada, Dhalinyarada, Haweenka iyo Qurbo-Joogta Beesha.
Kaddib xogwareeysi qoto dheer, wada tashiyo badan iyo dib u milicsi taariikhdii ay beesha ku dhex laheyd bulshada Soomaaliyeed.

guud ahaan, gaar ahaan Gobolka Hiiraan, shirku wuxuu soo saaray war murtiyeed ka kooban qodobbada soo socda:
1. Arrimaha Amniga:
• In Beesha ay qeyb libaax ka qaadato xoreynta Khawaarijta ee looga xoreeynaayo guud ahaan dalka Soomaaliya si
qaas ahna Gobolka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

• In Beeshu meel uga soo wada jeesato cid kasta oo lid ku ah xoreeynta dalka iyo jiritaanka qarannimada Soomaaliya

• Beeshu waxeey soo dhaweeyneeysaa wada shaqeynta Dowlada Federaalka, Maamulka Hirshabeele, Gobolka
Hiiraan iyo ATMIS sidii loo xasilin lahaa dhamaan deegaannada ay Beeshu degto.
• Beeshu waxa ay dalbaneysaa in la kordhiyo tirada saraakiisha/taliyayaasha ku matala qaybkasta oo Ciidamada ah.

2. Arimaha Siyaasada:
• In Beeshu yeelato guddi ka arrimiyo Siyaasada gudaha iyo dibadda oo ka kooban 15 qof laga bilaabo maanta oo ay
taariikhdu tahay 15.Jan.2023.

• In mar kale aysan dhicin isku halleyn dhinaca siyaasadda ah, Beeshuna qaadan karto go,aammo

• In Beeshu ay hesho saamigeeda saxda ah oo ay ku leedahay awood qaybsiga Soomaaliya iyo kan deegaannadeedaba
aysanna dhicin in xaqeeda siyaasadeed in lagu tunto.

Gunaanad iyo Mahadnaq
Beeshu waxa ay u mahadnaqeeysaa dhamaan walaalihii ka qeybqaatay in ay shirarkaan qabsoomaan meelkasta oo ay dunida

dacalladeeda ka joogaan. Taa mid lamid ah Beeshu waxa ay u mahadnaqeeysaa dhamaan walaalihii ka qeyb qaatay dhisidda
iyo qalabeynta Ciidamada Macawiisleyda Saleemaan Cabdalle. Ugu dambeyn waxaa mahad leh hoggaanka Gobolka
Hiiraan, Maamulka Hirshabeele, Ciidamada Dowlada Federaalka, Saaxiibbaheenna Caalamiga iyo Macawiisleyda Beesha
Hiiraan, Maamulka Hirshabeele, Ciidamada Dowlada Federaalka, Saaxiibbaheenna Caalamiga iyo Macawiisleyda Beesha
Xawaadle oo dhamaan qeyb ka ahaa dib u xoreynta gobolka Hiiraan.

Guddiga Siyaasadda Saleemaan Cabdalle