Shirkada Isgaadhsiinta Itoobiya ee Ethio Telecom ayaa sheegtay
in macaamiishu ay la kulmi doonaan hoos udhac ku yimaada xawaaraha khadka internet-ka.
Shirkada Isgaadhsiintu waxay sheegtay iney la kulantey cilad katimid xadhkaha Internet-ka xambaara ee mara marinada biyaha caalamiga.[Dhanka kuwa ka gudba dalalka deriska ee Jabuti iyo Kenya]
Waxayna xustey in la isticmaalayo khad ama internet kayd ahaa, taasi ay keeni karto hoos udhac ku yimaada xawaaraha khadka internet-ka.